Akhri si aad uga dheregto NUXURKA sawirka sheekadan saaran!!

0

(Hadalsame) 19 Juun 2020 – Waa geeraar yar oo uu Maxamed Xaaji tiriyey 19-kii Juun (maanta oo kale) 2013-kii.

QABYAALADDA qurunkeediyo,

Qaybinteeda u khaaskiyo,

Qolofkeeda rumaadiyo, a

Qaxa ay inoo keentiyo,

Qaraxaa aan dhamaaniyo,

Qaxarkeeda gudbooniyo,

Qaaquullo irmaaniyo,

Qarankaa wada daatiyo,

Qaabadeenna qalloocan,

Qiyamkaan ku qadayniyo,

Qalalaasaha liitiyo,

Qiimeheenna khasaaray,

Qoomkeennan Soomaali,

Indhohood ma qabtaan,

Oo SIBRAAR caano qaboowiyo,

QUMBE qiime sarreeyiyo,

SUBAG bay ku khaldaan,

Oo qosob bay ku jiraan!

Waxaa Tiriyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media