SHIRKA JABUUTI: Maxaa la KARINAYAA oo misna kaa KAAYAN?!!

0

(Jabuuti) 18 Juun 2020 – Waxaa xalay xilli dambe soo baxay heshiis heshiis la’aan dhaama oo lagu gaarey Shirka Jabuuti oo fiidkii qarka u fuulay inuu gebi ahaanba fashilmo.

Dowladaha Jabuuti iyo Maraykanka oo ah mid hindisahaba hagaya ayaa aad ugu dadaaley inay markale kiciyaan wadnaha sii istaagayey ee shirka, kaasoo markale dib u furmay, ilaa wax uun la isku raaco. Hoos ka akhri 5 qodob oo kasoo baxay:

1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2. Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac.

3. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida kaalmooyinka dhaqaale ee caalamiga ah iyo cargaarada bani-aadaminnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddiyo gaar ah, kuwaasi oo shiri doona muddo 15 cisho kaddib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti.

4. Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo 15 cisho kaddib ah ku shiri doona isla waddanka Jabuuti.

5. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

YAA LOO DABAAL JOOGLAYNAA? Sida ay xogtu u badan tahay dhanka loo socdaa waa midnimo oo qof kasta wuxuu og yahay runta waaqiciga ah, balse waxaa jira laba caqabood oo waawayn:

1 – Noooca ay noqonayso midnimo dhex marta woqooyi iyo koonfur, marka wax laga eego dhanka moodalka maamul ee la qaadanayo sida.

a) Federaal ay Somaliland mid ka noqoto, iyada oo kii hore sidiisii loo daynayo.

b) Federaal dhex mara laba gobol oo kala ah woqooyi iyo koonfur.

c) Konfederaal (confederal) isna dhex mara laba gobol oo kala ah woqooyi iyo koonfur.

2 – Arrintani waxay ku saabsan tahay bislaynta ra’yul caamka, waayo waxaa adag ama mustaxiil ah in maalin qura shacabka qaarkood, sida kuwa xag-jirka ku ah go’itaanka Somaliland si fur caddaale ah maalin qura loogu sheego ”waxaannu dib ugu noqonaynaa Somalia”, sidaa darteed, waa inay la qabsadaan sidii ay ula noolaan lahaayeen arrintaa, taasoo qayb ahaan durba lagu guulaystey, iyada oo ay iminka badan yihiin dad beri aad ugu adkaa go’itaanka, balse maanta midnimada aad ugu ololeeya, sababo ay qaarkood istaraatiji yihiin oo ay fahmeen dartood, sida arrimaha dalalka deriska ah, oo danohooda gaarka ah u adeegsan doona Somalia kala go’an, taasoo looga baxsan karo Somalia oo midaysan misna cageheeda ku taagan oo qura.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media