”Qur’aanka ayaa ka daran Karoonaha!” – Siyaasi cunsuri ah oo u gefey Muslimiinta & tillaabo sharci ah oo loogu hanjabey

0
Protesters holding posters which read "No Nazi inside Hofburg palace" demonstrate against Austrian presidential candidate Norbert Hofer of the FPOe in Vienna, Austria, December 3, 2016. REUTERS/Heinz-Peter Bader

(Vienna) 18 Juun 2020 – Siyaasiga Xisbiga midigta fog ee Freedom Party (FPÖ) Norbert Hofer ayaa xilli uu ku jirey olole doorasho wuxuu sheegay in Qur’aanku ”uu ka halis badan yahay” cudurka karoonaha, taasoo keentay inay si caro leh ugu soo jawaabaan Xisbiga Social Democratic Party ee Austria (SPÖ) iyo Jaaliyadda Muslimiinta Austria (IGGÖ).

Ninkan oo la hadlayey taageerayaal aan badnayn oo iskugu soo baxay Vienna ayaa ku hadaaqay: “Ka cabsan maayo corona. Corona halis ma aha. Quraanka ayaa ka khatarsan.”

Muslimiinta Austria ayaa wacad ku maray inay soo gole joojinayaan Hofer, sida uu sheegay Guddoonka IGGÖ, Md Ümit Vural, oo tilmaamay in uu ninkani u gefey Muslimiinta oo idil, isla markaana aanu “cashar ka baran tagtadiisa, balse uu doonayo inuu dhufaysyo ka dhex qodo bulsho ilbax ah.“

Vural ayaa hoosta ka xarriiqay in misaalka noocan ihi aanu meel ku lahayn Austraia, isla markaana uu dhaawacayo dulqaad bulshada, amaanka iyo madax bannaanida diimeed.

Omar Al-Raqi (SPÖ) oo xubin ka ah Golaha Degaanka Vienna City ayaa TRT Deutsch u sheegay in xilliga ay dunidu midab kala sooc la dagaallamayso aan la aamini karin cunsuriyadda Hofer, sidaa darteed ay tahay in la bilaabo halku dheg la yiraahdo ‘Muslim rights matter”, isagoo sheegay inay tillaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Hadalsame Media