Halkee ku dambeeyey ”KHILAAFKII” Farmaajo & Khayrre? (Arrin naadir ah oo ay sameeyeen!)

0

(Muqdisho) 18 Juun 2020 – Waxaa beryo dhexe aad hawada usoo gashay sheeko ku saabsan khilaaf ka dhex taagan MW Farmaajo & RW Khayrre, iyada oo meelaha qaar lagu qoray cinwaano aad u hooseeya oo aan suurtagal ahayn farsamo iyo sharci ahaanba.

Yeelkeede, xogo madax bannaan ayaa Hadalsame Media u xaqiijiyey in aanu marna jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya labada nin ee ugu sarreeya Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia, taa biddaalkeedana ay shir joogto ah ku jireen maalmihii ay dadku ”khilaafka” ka sheekaynayeen.

”Waxay ahayd sheeko si ku tala gal ah loo dhisay, si loo khaldo ra’yul caamka. Xitaa waxaa loo cag wareejiyey oo habaaska looga tegey dadkii iyaga ku dhowaaa oo can-tallaalkan (bait) qaniiney,” ayuu yiri nin xog ogaal ah oo diidey in magaciisa la xigto oo Hadalsame la hadlay.

DOORASHADA 2021 – Labada nin ayaa la sheegay inay wada leeyihiin hami siyaasadeed oo ku aaddan Doorashada soo aaddan ee 2021, ha yeeshee, ma jiraan wax ay 100% isku raacsan yihiin ama isku diiddan yihiin, dhanka doorashada.

”Waxay eegayaan moodalkii loo qaato in doorashada lagu galo, iyaga oo mid kasta u wajihi doona si baxaalligeeda waafaqsan, balse waa adag tahay in wax badan laga ogaado.” ayuu xog-ogaalkaasi daba dhigay.

Arrintan ka kor baxa ah ayaa ah ciyaar siyaasadeed ku cusub masraxyada siyaasadda Somalia laga yaqaanney, balse wuxuu waqtigu sheegi doonaa halka ay ku dhamaato.

Hadalsame Media