EPL oo lasoo noqonaya HIILLO cusub & safafka laga yaabo ee Man City vs Arsenal

0

(London) 17 Juun 2020 – Waxaa dib usoo laabanaya Horyaalka Ingiriiska ee Premier League iyada oo ay u muuqato in lagu kala baxay guusha horyaalka oo u hayan kara dhanka Liverpool, balse waxaa la xallinayaa arrimo dhowr ah sida usoo bixitaanka Champions League iyo boosaska kale ee Yurub.

Horyaalka ayaa muddo 3 bilood ah u xayirnaa durayga coronavirus waxaana caawa kulamada dhacaya ugu adag midka muruqya waynta Man City iyo Arsenal. Kulanka kale waa Aston Villa iyo shifield United. Kulamada kale waa Jimcaha.

Dhanka kale, Arsenal ayaa soo bandhigtay sawirrada astaamaha Hay’adda Daryeelka Caafimaadka NHS iyo Black Lives Matter taasoo uu xiran doono laacib kasta oo ka tirsan Premier League, si hiillo loogu muujiyo dadka madow.

Dhaqdhaqaaqan cunsuriyad diidka ah iyo midda NHS iyo BLM ayaana la sheegay inay ka muuqan doonaan funaanadaha kooxaha inta ka harsan fasalkan 2019-20-ka.

SHAXAHA LAGA YAABO

Man City: Ederson, Walker, Otamendi, Laporte, Mendy, Rodri, De Bruyne, Gundoga, Mahrez, Sterling, Aguero.

Arsenal: Leno, Bellerin, Luiz, Mustafi, Tierney, Xhaka, Torreira, Ozil, Saka, Pepe, Aubameyang.

Hadalsame Media