DEG DEG: DF Somalia & Somaliland oo heshiis gaarey + Sawirro

0

(Jabuuti) 17 Juun 2020 – War hordhac ah oo iminka soo baxaya ayaa sheegaya in Shirka Jabuuti uu qarka u saaran yahay inuu GUUL ku dhamaado, iyada oo la sheegay in DF Somalia iyo Somaliland ay heshiis ka gaareen qodobbadii ay isku mari waysnaayeen.

Warkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya dhanka Shirka Jabuuti ayaa tibaaxaya in lagu heshiiyey in qodobbadii la isku mari waayey guddi gaar ah loo saaro si ay u dhiraan dhiriyaan.

Xalkan hordhaca ah ayay isla gaareen Guddiyada DFS iyo Somaliland ee kushirsanaa dalka Jabuuti, waxaana qodobada kujira kuwa dhabaha u xaaraya hanaanka wada hadal oo leh jadwal diyaarsan iyo hab-raac degsan oo dhinac loo wado leh.

Dhanka kale, xog kale ayaa sheegaysa in War Martiyeedka shirka ayaa lagu wadaa in berritoole lasoo saaro, haddii Alle idmo.

Hadalsame Media