Bal mid mid u baro Guddiga DF ku metelaya Shirka Jabuuti ee lagu tilmaamay ”kuwo aan waxba ogayn!”

0

(Jabuuti) 17 Juun 2020 – Waxaa goor dhow dib loo amba qaaday Shirka Jabuuti ee DF Somalia iyo Somaliland, kaasoo woxoogaa kahor mar lagu kala boodey, iyada oo ay xubno ku dhow dhanka Somaliland ay sheegeen inay shirka ka bexeen maadaama ay DF metelayaan dad aan ”waxba ogayn”.

Haddaba, waxaan mid mid u akhriyey taariikh nololeedka 7-xubnood DFS u metelaya shirka Jabuuti, Proff. Afrax gudoomiyaha guddiga dastuurka waa qoraa iyo Barre sarre ee jamacaadeed waa taariikh yahan wax badan ka qoray taariikhda Soomaalida.

Xil. Maryam Cariif Qaasim, waa qoraa iyo sharci yaqaan 30sanno oo khibrad ah leh waxaay la soo shaqeeysay hay’ado kala duwan oo caalami ah iyo kuwo maxalli ah 10 sanadood ee u damabaysayna waxaa ay ku jirtay siyaasada Soomaaliya.

Dr. Xuseen Cilmi, Wasiir ku Xigeenka Dastuurku, waa sharci yaqaan ku takhasusay shareecada Islaamka iyo Qawaaniinta caalamiga ah. Balal Cusmaan waa Ergayga Gaarka ah Madaxwanaha DF u qaabilsan dalalka Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waa diblaamasi sare iyo aqoonyahan bartay siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah wuxuuna faham badan ka haystaa xiriirada caalamiga ah iyo diblaamasiyada wuxuu hore u noqday Talliyaha Siyaasada Arrimaha Dibedda ee Madaxwanaha Soomaaliya wuxuu isku dubariday arrimo badan oo diblomaasiyadeed.

Dr. Saleebaan Maxamuud, Xeer ILaaliyaha Guud ee Qaranku, waa sharci yaqaan haysta shahaadad labaad ee sharciyada iyo waxbarashada wuxuu wax ku bartay dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u Heshiidiinta Inj. Cabdi Maxamed Sabriye, Waa injineer ka qalin jabiyey oo shahaadada 1-aad ee Injineeriyadda ka qaatay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, waana ganacsade. Wuxuu waxbarasho 1986-kii u aaday jaamacad ku taalla New Sastle UK, halkaasoo uu Master ka diyaariyey isla Injineeriyadda.

Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka Inj.Cabdirashiid Maxamed isaga taariikhdiisa ma aynaan helin, balse sida magaciisaba aad ka arkaysaan waa aqoonyahan oo waa Injineer. Waxaa uuna ka qalin jebiyey Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Waxaa Isku Duwey: Xamdaan Xiddig & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media