(Hadalsame) 16 Juun 2020 – Waxaynu wada ognahay in SOMALIA dawlad buuxda loo ogolaaday iyagoo sidaa kaga masuula wadankoo dhan. Habkii loo la dhaqmo jiray ee ay SOMALILAND leefleefka kusoo noolaan jirtay wuu dhammaaday. Mashaariicdiiyoo dhan waxaa lasoo marinayaa SOMALIA, waxkastana waxaa ka masuula Somalia oo ay SOMALILAND ka mid tahay sida dawlad goboleedyada oo kale, Military xuduudaha waa laga soo durkinayaa.
ISBEDELka Geeska Africa ee Abi Ahmed iyo beesha Caalamka iyo igad ba runta waa la isu sheegay hadana wax walba (Time-plan) bay leeyihiin. Xukuumadda Muse iyo Guurtida iyo baarlamaanka waa laga dheregsanyey inaan laga ogolayn wax Somali la yidhaa oo kala Goa.
Shacabka hore ayey inoogu sheegeen in meel walba la inaga soo xidhay kii uunbaa soconaya oo shacabka ushaa lagu ag dhufanayaa si ay u fahmaan waxa jira. Arimaha labada shacab ee SOMALIA iyo SOMALILAND labaduba waa sensitive xaalkoodu taa Dawladaha oo dhami wey Dareensanyihiin waana ta keenaysa in waxa lagu wada socdo ee Madaxda dawladuhu iyo gobolada ururadoodu isagu imanayaan WAX LAGU WADA SOCDO OO WELIBA LAGA QARINAYO LABADA SHACAB BAA jira oo si siyaasadda oo suqsuqaara loogu dhiibayo SHACABKU WAA CARUUROO KALE SIDA HOOYADU BARIISKA KULUL CARUURTEEDA UGA QABOOJISO MARKAY AFKA U GELINAYSO AYAA DAWLADAHAN SHIRAYAA SIYAASADDA KULAYLKEEDA SHACABKA LOOGA ILAALINAYAA SI AAN KHATARO UGA DHICIN GOBOLKA GEESKA SOMALIDA MAR LABAAD OON BADUHU XIDHMIN HADANA WAAYO BADDA CAS DHINICII YAMANTU WAY GUBANAYSAA DHANACA LIBIYA BADDII MEDITERRANEAN OO IYANA QIIQAYSA.
Markaa war shucuubta laga qarinayo ayaa jira SOMALILAND oo Mogadisho lacag badanikaga xanibantay oo Xukuumadda Muse aanay laaanteed waxba wadi karin Somalia heshiiska SOMALILAND doorashada Farmaajo iyo khayre guushoodu aad ugu xidhantay Ethiopia oo isbedelkeedu aad ugu xidhanyey Somali mida oo wixii ay kala saxeexdeen Ethiopia SOMALIA iyo Eritrea oo SOMALILAND laaan aan suurtoobayn haddaan dhinac kaloo qarsoon looga wareegin laakiin waxaa hawl yar SOMALILAND oo ogolaato inay Somalia ka mid noqoto. Hadduu Muse wax walba diidona SOMALILAND waxay gelaysaa godoon iyo dadkoo Xamar iyo shaqooyin u qaxa macaa Askarta ayaa yaac doonta fursadaha laga furi doono SOMALIA.
Waxaa Qoray: M Bashe
e-mail: qoranebashe@gmail.com
FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan
Hadalsame Media