Goorma ayaa la dejiyey QORSHAHA iminka Somalia loosoo bandhigay?

0

(Hadalsame) 16 Juun 2020 – Kaddib markii daraasaad dheer lagu sameeyay siyaasadda Geeska Afrika (Great Horn of Africa) ayaa waxaa lagu ogaadey in Gobolka oo dadkiisa gaaraayaan ku dhawaad 300 milyan ay dib uga dhaceen horumarka Afrika, Sababtana ay tahay dagaalo, siyaasad aan deganayn iyo cimilada kusii xumaaneeysa Geeska Afrika.

Arimahaan awgood aduunka waxaa qasab ku noqotay inay la yimaadaan fikir cusub oo u horseedaayo Geeska Afrika deganaasho siyaasadeed iyo kobcinta dhaqaalaha si ay dadku u wada baraaraan.

Great Horn of Africa, waxaa la isku yiraahdaa dalalka Ethiopia, Eritrea, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Siyaasadaan ama qorshahan waxaa la dejiyey oo la qoray sannadkii 1992-kii, haddana waxaa lagu dhex jiraa fulinteeda.

Ma jirto dowlad ka mid ah Geeska Afrika ee ka hor imaan karta aragtidaan siyaasadeed ee ay hoggaaminaayaan Hay’ada Lacagta Aduunka ee IMF IYO Bangiga Adduunka ee WORLD BANK iyo Dowladaha waaweyn.

Soomaaliya Maxaa la gudboon?

Siyaasada hada socoto dowladda koowaad ee ka fa’iidi karta waa Soomaaliya, sidoo kale hadii siyaasadda Socota la fahmi waayo, dowladda ku qasaari kartaa hadana waa Soomaalida.

Haddaba Soomaaliya maxay u baahantahay?

Soomaaliya waxay u baahan tahay inay dhinac iska dhigto kala fikir duwanaashaha oo arimaha ka socda Geeska Afrika loo helo dad Soomaaliyeed oo dalkooda jecel aqoon Sare u leh arimahaan, kana hor marin kara dantooda gaarka ah danta guud ee dalka Soomaaliya.

Hadaad leedihiin Dhego wax maqla Waa kaas runta iyo mustaqbalka dalkiina iyo ilmahiiina, hadii kale caabuda qabiil iyo dan shakhsi gaar ah.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A. Qaasim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media