DHEGEYSO: Marwo Adna Aadan oo sheegtay arrin aan taariikhda raad ku lahayn (Arag caddaynta)

0

(Hadalsame) 16 Juun 2020 – Adna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga Gaarka ah ee Somaliland ugu qaybsan wada-xaajoodka DF Somalia ayaa sheegtay hadal ay dad badani aad ula yaabeen oo ay ku maagayso Somalia iyo dowladnimadeeda, balse waxaa sidoo kale ku jira xogo aan sax ahayn.

Adna Aadan oo inta badan la arko iyada oo madlaha caalamka si aan ixtiraam lahayn oo aan xitaa iyada ka aqoonyahan ahaan wax kusoo bartay canshuurta Somalia-da ay caayayso lafteeda, ayaa waxay sheegtay ”inuusanba jirin dal la yiraahdo Somalia.”

Yeelkeede, meel ayay khalad ka sheegtay taasoo lafteeda xiraysa, waxay soo jeedisey in la raaco ”Dastuurkii Midowga Afrika” oo ay sheegtay in la sameeyey xilligii gumaystaha, isla markaana lasoo baxday warqad ay sheegtay inuu ku yaallo saxiixa Queen Elisabeth 2.

KHALAD TAARIIKHEED – Ururkii OAU oo hadda ah AU, waxaa 25-kii Maajo ee 1963-kii lagu asaasay magaalada Addis Ababa, waloow ay ku qoran tahay in xuduudaha loo daayo sidii ay awal ahaayeenna markaa Somalila oo ay Somaliland ku jirtaa waxay u tirsan yihiin hal dal ahaan.

Tan kale, marna Somaliland dal ahaan uma qaadanin madax bannaanida, sida taariikhda ku xusan oo intii aan xornimada la siinin waxaa la sii ogaa inay qaadan doonaan calanka Xamar ka babanayey tan iyo 12-kii Oktoobar 1954-kii, sidaa darteed, UK lagama soo qaadin xornimada dal gaar ah oo la yiraahdo Somaliland, si la mid ah sida aanay koonfurtana kaligeed xornimo ugu qaadan dal ahaan, balse shuruuddu waxay ahayd midowga laba Somaliland.

Halkan hoose ka akhri joornaalkii Daily Herald ee London kasoo baxay 29-kii Juun 1960-kii oo ay Somaliland xornimada haysato muddo 3 maalmood ah oo qura, iyada oo dabcan ah gobolka ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaalida, waxaa ku cad inaysan Somaliland dal ahaan xorriyad ku qaadan oo wuxuu cinwaan sheekada uga dhigay ”Mustacmaraddii Xorriyadda diiddey!”.

Hadalsame Media

Facebook Comments