DHEGEYSO: Dowladda Sweden oo fududeeynaysa sida ay LACAG ku heli karaan dadka shaqayn jirey ee baagamuudoobaya

0

(Stockholm) 16 Juun 2020 – Dad ka badan oo baagamuundo ama shaqa la’aan ah ayaa lacago ka heli doona hay’adda maamusha Khasnadda Caymiska dadka Shaqa la’aanta ah ee A-kassan, haddii la hirgeliyo hindise ay gacanta ku haysp hay’adda caymiska shaqo la’aanta.

Sida ay qabto Maria Hemström Hemmingsson, oo ah madaxa baaristan ay Dowladdu waddo, qaabkii horay loo raaci jirey wuxuu sababay dhibaatooyin badan.

”’Maanta waxaa wax lagu saleeyaa waqtiga la shaqeeyey, waxayna ka dhigan tahay inaad caddayso inta saacadood ee aad shaqaysay iyo cidda aad u shaqaysay, waqtiga loo yaqaan kroon tiden oo ah inaad shaqaysay 12 bilood kahor intaanad shaqo beelin. Waxay tani dhib ku noqotay dadka u shaqeeyey shaqa bixiyeyaal kala duwan am aka shaqeeyo goobo shaqo oo aan xasilloonayn,” ayay tiri Maria.

Hadalsame Media