Sucuudiga oo qaaday tillaabooyin ciddiyo ku dirir ah oo ka dhan ah Turkiga (Arrin la yaab leh oo uu sameeyey)

0

(Riyaad) 15 Juun 2020 – Dowladda Hoose ee caasimadda Sucuudiga ee Riyaad ayaa dejisey magaca jidka Sulaymaan Al Qaanuuni oo loogu magac daray xaakim ka tirsanaa Khilaafadii Cusmaaniyiinta.

Dowladda Hoose ee caasimadda Sucuudiga ee Riyaad ayaan bixin wax sabab ah oo ay tillaabadaa u qaadday, balse waxaa loo badinayaa inay qayb ka tahay xiriirka sii xumaanaya ee Sucuudiga iyo Turkiga, waloow aan la fahmi karin sababta ay nidaamka Sucuudigu heerkaa u gaarsiinayaan.

d not give a reason for the move, however social media users believe strained relations between Saudi Arabia and Turkey could be the trigger.

Xiriirka labada dhinac ayaa sii xumaaday markii ay Turkey usoo gurmatey dalka Qatar oo ay go’doomin dhaqaale oo adag saareen dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar isanaddii 2017-kii.

Wuxuu markale sii darsaday markii weriye Jamal Khashoggi lagu dhex qalay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Bishii Agoosto, Wasaaradda Waxbarashada ayaa bilowday inay wax kasta oo amaan u eg oo ku saabsan taariikhdii Cusmaaniyiinta ka masaxdo buugaagta sooyaalka, iyadoo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ku tilmaantay “duullaan”.

Waxay sidoo kale muwaadiniinta ka codsadeen inaysan u dalxiisin dalka Turkiga.

Hadalsame Media