Shucladii Istaadiyo Muqdisho oo 30 sanadood kaddib la shidey + Sawirro

0

(Muqdisho) 15 Juun 2020 – Waxaa markii ugu horreeysey markii ugu horreeysey muddo 30 sanadood ah dib loo shiday shuclada garoonka ciyaaraha ee Istaadiyo Muqdisho oo iminka si wayn loo dayactiray.

Waxaa kale oo garoonka booqasho ku tegey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia oo kala ah Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Marwo Khadiijo iyo Wasiirka Maaliyadda Dr Bayle, kuwaasoo kormeerro ku kala bixiyey qaybaha garoonka.

Waxaa muuqaallada dib loosoo celiyey ka mid ah shucladii laga shidi jirey dabka Olombikada oo howlgabtay iyo qol cusub oo lebbis ah oo la sameeyey.

Waxaa lagu warramayaa in xafladaha 1-da Luulyo lagu qaban doono Gegadan Caalamiga ah ee kubadda cagta Muqdisho Stadium.

Hadalsame Media