SHIRKA JABUUTI: Maxaa ka jira in laga wada hadlay nooca NIDAAMKA la qaadanayo & inuu shirku iska yahay mid caato ah?!

0

(Jabuuti) 15 Juun 2020 – Waxaa shalaytoole dalka Jabuuti ka furm shirka Jabuuti oo ay ku wada hadlayaan DF Somalia iyo Maamulka Somaliland, waxaana uu shalay inta badan diiradda saarayey khudbooyinka madaxdii ka qayb gashay.

Waxaa isla shalay soo baxayey warar duul duul ah oo ku saabsan in ”lakala boodey kaddib markii kan iyo keer la isku mari waayey, inuu burburay, inuu madadaalo yahay, in muddo kororsi lagu doonayo, in mashaariic lagu raadinayo, in uusan maalin joog ka badnayn iwm.”

MA WAXAA LAGA HADLAY MIDNIMO & NOOCA MAAMUL EE LA QAADANAYO?

Waxaa shalay nasoo gaarayey xogo sheegaya in ay durba Somaliland mabda’iyan ogolaatay ka mid noqoshada nidaamka Somalia, balse ay wadato shuruud ah in dalka lagu wado nidaamka loo yaqaanno Konfederaalka oo ah da’da ka wayn Federaalka (Confederal) ay Somalia ku wareersan tahay oo dalka u qaybinaya laba gobol oo woqooyi iyo koonfur ah, kuwaasoo waxyaabo badan ku kala madax bannaan.

Yeelkeede, waxay Hadalsame Media iminka xaqiijin kartaa in aan weli qodobkaa la iska gaarin oo laga hadli doono xilliga ku habboon, waxaa kale oo aannu ogaanney in ay run tahay in mabda’iyan la isla ogol yahay midnimada, balse ay jiraan waxyaabo badan oo ay khasab tahay in marka hore la bisleeyo, sida ra’yul caamka dadwaynaha oo aan soo booddo looga dhigi karin arrintan xasaasiga ah, dadka qaarkoodna ay ka taagan yiihiin rako sare oo u baahan in si tartiib tartiib ah looga soo dhiraan dhiriyo.

”Haddii uu sahalkaa ku burburayo kulanku sidanba uma cuslaadeen. Waxaa jira waxyaabo badan oo aysan dadwaynuhu ogayn,” ayuu yiri qof magaciisa qariyey oo shirka iyo geeddi socodkiisa ku dhow. ”Wax kasta horay ayaa la isula eegay, waana laga wada hadlay.” ayuu raaciyey.

Si kastaba, Soomaalida ayaa aad ugu dheg taageeysa wada hadalka DF iyo Somaliland oo markan laga dhur sugayo, waloow ay caqabuduhu weli fara badan yihiin oo uma sahlana sidii la saadinayey, umana adka sida la suuraynayo.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media