SAWIRRO: Maxaa maanta iska bedelaya shirka Jabuuti (Wararkii ugu dambeeyey)

0

(Jabuuti) 15 Juun 2020 – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka mar kale ka qeyb galay daahfurka wada hadallada DFS iyo Somaliland ayaa kula dardaarmay Guddiyada Farsamada ee labada dhinac in ay ka mira dhaliyaan wada hadallada.

“Shirkan inshallaah waxaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, 30 sano waan wada joognay, 30 sano waan kala maqnayn, 30 sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal ah!” ayaa lagu yiri war kasoo baxay warfaafinta Madaxtooyada.

“Annagu waan idin siinnay kalsoonidayada dadkii ugu aqoonta badnaa ayaad tihiin Soomaalida, waxaa loo baahanyahay in aad ka fakartaan mustaqbalkeenna soddonka sano ee soo socda, waxaan idiin rajaynaynaa guul, waxaan idiin rajaynaynaa is afgarad walaaltinimo ku dheehan.” ayaa la daba dhigay.

Warku wuxuu intaa raacinayaa in Madaxweynuhu uu goor dhaw u duulayo magaalada Muqdisho, waxaana wada hadallada garwadeen kasii noqonaya RW Xasan Cali Khayrre, xubnaha Golaha Wasiirada ee la socda iyo Guddiga Farsamada ee DFS ku matalaya wadahadalladan.

Hadalsame Media