Itoobiya oo bayaanisey danta ugu dambayn laga leeyahay shirka Jabuuti

0

(Addis Ababa) 15 Juun 2020 – RW Itoobiya ee Abiy Ahmed ayaa ka hadlay qiimaha ay nabaddu u leedahay isdhex-galka Gobolka Geeska Afrika, sida uu yiri.

RW Abiy ayaa warkan ka sheegay shirka shalay ka furmay Jabuuti ee u dhexeeyey DF Somalia iyo Maamulka Somaliland, kaasoo daba socdey wada hadal uu fududeeyey isla Abiy Ahmed oo Febraayo ka dhacay Addis Abeba, sida ay qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.

Wasiirka ayaa sheegay in uu gobolku ku tillaabasan karo horumar ballaaran, haddii iskaashi iyo nabadi noqdaan awoodaha wax hagaya.

“Wadajir baannu ula soo bixi karnaa khayraadkeenna, si aannu uga baxno meertadan xun ee faqriga iyo quusta ah.” ayuu yiri RW Ahmed.

Hadalsame Media