Somaliland oo sii firtey halka ay ka bilaabayso dood ay gaar ugu qabto MW Farmaajo (Maxay doonayaan?)

0

(Hargaysa) 14 Juun 2020 – Ergeyga Gaarka ah ee Somaliland ugu qaybsan Wada-hadallada DF Somalia, Marwo Adna Aadan Ismaaciil, ayaa intii aanay dhoofin ka hadashay kulankan ballaaran ee aan noociisa horay loo arag marka ay timaaddo dalalka ku lugta leh iyo qaayada wefdiga ka qayb gelaya.

Marwo Adna ayaa soo dhoweysey dib loo bilaabo wada-hadallada labada dhinac oo aan maqna qabsoomin muddo 4 sanadood ah, iyada oo sheegtay inay dan u yihiin ”dalalka iyo dadwaynaha labada dhinac”, gaar ahaan kuwa Somalia, sida ay tiri.

Yeelkeede, waxay darraabid iyo saluugid u jeedisey MW Somalia, Md Farmaajo oo ay sheegtay in aanu kasoo bixin ballamihii horay loo galay, sida ay qabto.

”MW Maxamed Farmaajo wuxuu buriyey qodobbadii lagu heshiiyey ee hore, oo intuu maalin soo toosay yiri saxiixyadii MW-shii hore waxba kama jiraan. Oo inta subax soo toosay yiri diyaaradaha hallaga maamulo Muqdisho,” ayay tiri Marwo Edna.

”Markaa waxaa heshiis lala galaa qof qowl leh, oo wixii lagu heshiiyey fulin kara. Waxaa iminka la is waydiinayaa wadahaddallada iminka la rabo, ma kuwii hore ayaa la ansixinayaa oo 8-aad, 9-aad iyo 10-aad ayaa ku biiraya, haddiise ay kuwii hore noqdaan waxba kama jiraan waa gacmo daalis.” ayay raacisay Edna oo sheegtay in loo baahan yahay ”MW qowl leh oo dadkiisa ka sita wakaalad lana soo doortay”, sida ay tiri.

Hadalsame Media

Facebook Comments