SAWIRRO: Sidee Itoobiya u aragtaa shirka Jabuuti ma mid gobol mise mid QARAN? (RW Abiy Axmed oo caddeeyey mowqifka dalkiisa)

0

(Jabuuti) 14 Juun 2020 – RW Itoobiya, Md Abiy Axmed Cali, oo ka qayb qaadanaya shirka ka soconaya Jabuuti ee ay ku wada hadlayaan DF Somalia iyo Somaliland, isla markaana lagu gorfaynayo arrimo ku saabsan iskaashiga Geeska ayaa ka hadlay sida uu shirkan u arko.

RW Abiy Axmed ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter kusoo qoray sidatan:

”Waxaan ku faraxsan ahay kulankan wada tashiga ah ee ku saabsan xiriirka Somalia iyo Somaliland, kaasoo uu marti gelinayo MW Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle ayna joogaan MW Farmaajo Muuse Biixi,” ayuu ku bilaabay.

”Tani waxay caddayn muhim ah u tahay wada xaajood iyo dib u heshiisiin qaran iyo horumar gobol.” ayuu daba dhigay.

Arrintan ayaa muujinaysa in Itoobiya ay shirkan u aragto mid heer qaran ah oo u dhexeeysa Somalia oo ka wada hadlaysa arrimo maxalli ah, kaddibna laga wada hadlayo arrimaha gobolka sida iskaashiga iyo wax wada qabsiga.

Hadalsame Media