RW Abiy Axmed oo Jabuuti gaarey & AJENDE aanad ogayn oo shirka lagu soo qaadayo + Sawirro

0

(Jabuuti) 14 Juun 2020 – Waxaa goor dhowayd magaalada Jabuuti ka degey Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Md Abiy Axmed, iyada oo si wayn halkaa loogu maamuusay.

RW Abiy Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa Gegada Caalamiga ah ee dayuuradaha ee Ambouli kusoo dhoweeyey dhiggiisa Jabuuti.

Md Abiy Axmed ayaa halkaa kaga qayb gelaya kulanka ballaaran ee u dhexeeya DF Somalia iyo Somaliland, ee lagu wado inuu maanta halkaa ka furmo, iyada oo ay sidoo kale halkaa gaarayaan MW Farmaajo iyo Biixi.

Abiy Axmed oo ahaa ninkii markii koowaad isu keenay madaxda iminka hoggaamisa DF iyo Somaliland, ayaa sidoo kale wuxuu ka qayb gelayaa kulan looga arrinsanayo arrimaha gobolka sida dhinacyada iskaashiga iyo wax wada qabsiga, si loo abuuro gobol nabdoon oo wada shaqaysta waxna kala faa’iidaysta dhanka horumarka, ganacsiga iwm.

Hadalsame Media