Maxaa ka jira in la isku fahmi waayey AJENDAHA shirka, muxuuse ku saabsan yahay? (Ajendaha oo aannu helnay)

0

(Jabuuti) 14 Juun 2020 – Waxaa soo baxay war sheegaya in lagu kala kacay kulanka Jabuuti uga soconaya DF Somalia iyo Somaliland.

Yeelkeede, ilo xog ogaal ah oo u warramay warqaadka Hadalsame Media, ayaa gebi ahaanba arrintaa waxba kama jiraan ku tilmaamay.

“Shirkani waa mid culus oo muddo la karkarinayey sidaa sahlanna ku hakan maayo.” Ayay ishaasi si kalsooni leh ugu sheegtay Hadalsame Media.

Dhankale, jadwalka shirka maanta intiisa badan oo aannu nuqul ka helnay ayaa muujinaya in aanu shirku maanta diiradda saaraynin qodobbo xasaasi ah sidii horay loo sheegay, balse uu khudbooyin u badnaan doono.

Ha yeeshee, shirka ayaa qodobbada masiiriga ah taaban doona  marka la gaaro wejiga 3-aad ee shir madaxeedka.

Hadalsame Media