XOG: Madaxtooyada Qaranka oo lagu wado inay ku dhawaaqdo war XASAASI ah (Waa maxay?)

0

(Muqdisho) 13 Juun 2020 – Xog hoose oo aannu ka heleeyno ilo ku dhow Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegaya inuu Madaxwaynaha Somalia ee Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqi doono war laga wada sugayey.

Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inuu maanta ama mar aan ku fogayn ku dhawaaqo in la agaasimo kulan ballaaran oo dhexmaraya DF Somalia iyo madaxda Maamul-goboleedyada.

Kulankan ayaa sida ay ishani u sheegtay Hadalsame Media, waxaa lagu qaban doonaa magaalada Gaalkacyo, iyada oo ay wada martigelin doonaan Madaxwaynayaasha Maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug oo kala ah Siciid Deni iyo Axmed Qoor Qoor.

Waxaa beryahan taagan warar sheegaya inuu jiro khilaaf ka dhashay arrimaha Doorashada 2021 oo awal u dhexeeyay madaxda XFS iyo kuwa Maamullada iyo mucaaradka, balse iminka hoos ugu degey xitaa madaxda XFS laftooda, kuwaasoo kala ah MW Farmaajo & RW Khayrre.

Yeelkeede, haddii ay arrintani rumoowdo waxay u ekaanaysaa inay isku moowqif noqonayaan madaxda sare ee XFS, ugu yaraan marka la eego dhanka in lala hadlo Maamullada oo uu horay usoo jeediyey RW Khayrre.

Hadalsame Media