ISMARIWAA: ”Waxa ay Itoobiya waddo socon maayaan!” – Masar oo furka ku xoortay “meel ku dhegnimada” Itoobiya!

0

(Qaahira) 13 Juun 2020 – Masar ayaa sheegtay in la isku mari la’yahay wada hadallada ku saabsan qoondada biyaha Niilka ee u dhexeeya Masar, Suudaan iyo Itoobiya taasoo ay ugu wacan tahay wax uu ku tilmaamay “meel ku dhegnimada” Itoobiya.

Biya-xireenka (Gerd) oo ay Itoobiya dhismihiisa bilowdo ku dhowaad 10 sanadood kahor ayaa noqday il xiisad ka dhex oogtey dalalkan, iyada oo ay Masar oo haatan sad-bursi ku qabta biyaha Niilku ay diiddan tahay qorshaha korontaynta iyo horumarinta ay waddo Itoobiya.

Mohamed al-Sebaie, afhayeenka Wasaaradda Khayraadka Biyaha ee Masar ayaa sheegay in aanu ku “rajo waynayn in xal laga gaaro wada hadallada socda” mar uu war soo dhigay Facebook. Halkan ka akhriso sida loo wadaago saamiga biyaha Niil.

Wuxuu intaa raaciyey inay taa ugu wacan tahay “Madax adaygga Ethiopia oo doonaysa inay Masar iyo Suudaan saxiixaan heshiis ku khasbaya inay la hayste u noqdaan Itoobiya ama ay kaligeed howsheeda iska wadato haddii ay ka diidaan”, sida ay kasoo xigatey AFP.

Warkan kulul ayaa imanaya xilli ay Itoobiya ku tala jirto inay bisha Luulyo bilowdo buuxinta Biya-xireenka, taasoo ay Masar ka cabsanayso inay xayirto biyo balaayiin mitir oo seddex jibaaran ah oo dhankooda u qulquli lahaa, balse Addis Ababa ayaan u muuqanin mid go’aankeeda joojinaysa.

Wasiirka Khayraadka Biyaha iyo Waraabka Masar, Mohamed Abdel Ati ayaa ku cataabay in aan la “aqbali karin isla markaana aanu xiriir derisnimo ka tarjumeyn” hab-dhaqanka Itoobiya mar uu la hadlayey Arab News.

Wasaaradda Biyaha Itoobiya ayaa iyaduna Khamiistii Masar ku eedeeysey inay cusbada ka badisay oo aanay waxba kula harin cabasho ku qornayd warqad dacwo ah oo ay gaarsiisey Golaha Amaanka.

Webiga Niilka oo ah midka dunida ugu dheer ayaa jiidan 6,600 KM (3,900-mayl) wuxuuna nolol iyo nal u yahay ilaa 10 dal oo ku hareereeysan, waxayna Niilka Buluugga ah iyo midka Cadi ku kulmaan caasimadda Suudaan ee Khartuum kahor inta aanu u qulqulin dhanka Masar, isaga oo ku dhamaada biyo boxo marka dambe ku darsanta Badda Dhexe.

Hadalsame Media