TV 4 oo shaqadii ka cayriyey Alexander Bard oo ku jeesjeesay dadka madowga ah

0

(Stockholm) 13 Juun 2020 – Hilinka TV4 ayaa cayriyey weriye Alexander Bard, sida ay werinayso wakaaladda TT.

Warka ayaa yimi kaddib markii ay dadku ka caroodeen qoraal uu weriyuhu Twitter-ka soo dhiay, kaasoo uu si guud ugu gefey dadka madoow oo uu yiri waa “inay shaqaystaan intii ay tuugsan lahaayeen ama cayr qaadan lahaayeen”.

“TV4 wuxuu fiidkan la hadlay Alexander Bard wuxuuna u sheegay in aanay habboonayn inuu xubin kasii ahaado garsoorayaash barnaamijka Talang,” ayuu hilinku e-mail ugu sheegay TT.

Sida uu sheegay Bard laftiisu, wuxuu ku qiil samaystay in ”go’aankani karsamayey” 3-dii bilood ee ugu dambeeyay.

“Waxba sinnaba ugma gelin wixii maanta dhacay,” ayuu ku yiri Expressen.

Hadalsame Media