Turkiga oo dhoollatus BAD & CIR ah oo ballaaran ka sameeyey xeebaha Libya (Laba saldhig oo uu halkaa ku yeelanayo)

0

(Ankara) 13 Juun 2020 – Ciidamada Cirka Turkey ayaa dhoollatus cireed oo 8-saacadood qaatay ka sameeyey xeebaha Libya, si ay u muujiso inay leedahay cudud ay dayuuradaha F-16 iyo kuwa digniinaha hore bixiya halkaa uga howlgelin karto haddii loo baahdo, sida uu sheegay sarkaal Turki ah.

Turkiga ayaa qoraal kale oo rasmi ah ku sheegay in ay fuliyeen howlgal ay wadajir u sameeyeen Ciidamada Cirka iyo kuwa Badda oo la yiraahdo “Dhoollatuska Badda Furan” kaasoo ka dhacay Bariga Badda Dhexe.

Waxaana ka qayb qaatay 17 dayuuradood oo kasoo duulay saldhig cireed ciidan oo ku yaalla Eskisehir oo Turkiga ah iyo 8 markab dagaal, dhowr dayuuradood oo ah kuwa shidaalka hawada ku bixiya iyo kuwa C-130, kuwaasoo daboolay dhul dhan 2,000km oo ah biyaha caalamiga ah.

Dhanka kale, saxaafadda Turkiga ayaa faafinaysa war sheegaya in Ankara ay laba saldhig ciidan ka samaysanayso dalka Libya, taasoo qayb ka ah heshiiska iskaashi ee ay la leedahay Dowladda Libya ee GNA.

Maalinlaha Yeni Safak oo soo xiganeysa ilo gudeed ayaa qortay in saldhigyada midkood laga dhigayo Saldhig Cireedka al-Watiya ee Galbeedka Libya oo dhowaan laga qabsaday Khaliifa Xaftar, halkaasoo ay fariisan doonaan dayuuradaha is wada ee daroonnada sidoo kalena la dhigi doono gantaalo casri ah oo difaaca cirka ah.

Dayuurad F-16 ah oo ka duulaysa Eskisehir

Hadalsame Media