(Napoli) 13 Juun 2020 – Waxaa caawa la ciyaarayaa kulanka 2-aad ee nus-dhamaadka lugta 2-aad ee Coppa Italia, kaasoo ay dhamaadka taagan tahay Juventus oo xalay nidaamka goolasha ku reebtay Milan oo ay 1-1 iyo 0-0 ku kala bexeen, kulan ay daawanayeen 8 milyan oo Talyaani ah.
Inter Milan iyo Napoli, ayaa caawa ku ballansan garoonka San Paolo, saacadda Talyaanigu marka ay tahay 21:00, iyada oo ay lugtii hore 0-1 kusoo adkaatay kooxda martida loo yahay ee Napoli.
Dhanka Napoli: Napoli oo ciyaaraysa shaxda uu ku dhaarto macallin Gattuso ee 4-3-3 ayaa waxay dhexda ku xoojinaysaa laacibiinta Demme, Zielinski iyo Fabian Ruiz. Weerarkuna waa seddexleeyda Insigne, Mertens iyo Callejon.
Dhanka Inter: Waxay dheelaysaa shaxda Conte ku caana maalo ee 3-5-2 oo uu woxoogaa u macmilay qaabka 3-4-1-2 si looga faa’iideeysto baxaalliga ciyaareed ee Eriksen, isagoo daafaca ku halleeynaya Skriniar, De Vrij iyo Bastoni. Weerarku waa Lukaku iyo Martinez oo uu caawinayo Eriksen oo taagan lambarka buuxa.
Hadalsame Media