Sawirka isbitaal la sheegay inay karoonaha kula dagaallamayso kooxda Al Shabaab oo beenoobey!

0

(Jilib) 13 Juun 2020 – Sawir loo adeegsadey xarun caafimaad oo la sheegay in lagula tacaalayo cudurka Covid-19 oo ay furtay Kooxda Al-Shabaab, taasoo loogu tala galay dawayn iyo karaantiil ayaa been abuur noqday.

Xaruntan ayay kooxda Al-Shabaab Jimcihii sheegtay inay tahay xarun gargaar u fidinaysa ”dadka isku arka astaamaha Covid-19”, taas oo shaqaynaysa 24 saacadood todobaadkii, taasoo laga dhisay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo ah xarun beenaadka kooxdaasi, sida uu sheegay Sheekh Maxamed Baali oo ka hadlay idaacadda kooxda Al-Shabaab ee Andalus.

Yeelkeede, xaruntan oo la sheegay in laga dhisay xaruntii hore ee hay’adda carruurta ugu qaybsan QM ee UNICEF, ayaa sawirka loo adeegsadey aanu ahayn mid sax ah.

Sida aad halkan ka eegi karto, sawirkan ayaa ah xarun lagula tacaalo isla cudurka karoonaha oo ku taalla magaalada Springfield ee gobolka Illinois ee dalkaasi Maraykanka.

Lama oga sababta sawirkan loogu doortay isbitaalka la sheegayo.

Hadalsame Media