RASMI: Jabuuti oo ku dhawaaqday inuu berri dhacayo kulanka DF Somalia & Somaliland

0

(Jabuuti) 13 Juun 2020 – Madaxwaynaha Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xaqiijiyey inay berri kulmayaan MW DF Somalia Md Maxamed Farmaajo iyo MW Maamulka Somaliland, Md Muuse Biixi.

Waxaa horay usoo baxday in kulankan oo ay taageerayaan dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Turkiga, Qadar, iyo Jabuuti la doonayo in dib loogu mideeyo Somalia.

MW Jabuuti ayaa bartiisa Twitter ku caddeeyey inuu isla berritoole dhacayo kulan dhexmari doona MW Farmaajo iyo Biixi.

Kulankan ayaa la sheegay inay kasoo qayb gelayaan madax heer sare ah oo ka kala socota DF, Somaliland iyo beesha caalamka.

Hadalsame Media