Qadar oo la sheegay inay horumarka Somalia uga duwan tahay Imaaraadka iyo Sucuudiga!

0

(Hadalsame) 13 Juun 2020 – Dalalka Khaliijka ayaa lagu eedeeyaa siyaasado mukharribnimo ah oo aan mararka qaar la fahmi karin danta ku jirta oo ka dhan ah dalal badan, gaar ahaan kuwa Muslimka ah ee saboolka ah.

Waxaa dalalka inta badan faraha lagu godo ka mid ah Sucuudiga oo saamayntiisa diineed iyo doolladda uu shidaalka ka helay wax badan oo siyaasad ah u adeegsadey, Qadar iyo Imaaraadka oo kharashkooda adeegsada, iyada oo lagu eedeeyo inay xitaa taageeraan dagaallo sokeeye sida Libya ama ay qaar kaba qayb galaan sida Yaman.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyaa inay taageeraan kooxaha xag-jirka ah, haddaba siyaasiga Faarax Macallin ayaa qaba inay Qadar ugu yaraan waqti xaadirkan ka duwan tahay dalalka kale.

”Qadar waa jaal maaliyadaysan marka ay timaado kicitaanka dhaqaale ee dalalka Bariga Afrika iyo Somalia.” ayuu ku bilaabay Faarax.

”Si ka duwan Imaaraadka, kuma lug laha qaska Yemen, Somalia, Syria & Libya. Qadar waa dalka qura ee Khaliijka ku yaalla ee iminka ku lugta leh horumarka bulsho ee Afrika. Kenya, Tanzania iwm.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media

Facebook Comments