Madaxa ka qayb geleeysa kulan ballaaran oo Jabuuti ka dhacaya & goorta

0

(Hadalsame) 13 Juun 2020 – Waxaa lagu wadaa inuu kulankii abid ugu ballaarnaa ee dhexsada DF Somalia iyo Maamulka Somaliland uu ka dhoco dalka Jabuuti, kaasoo muddaba la qorsheeynayey.

Kulankan sida lagu wado Axadda la aadayo ee aadka u culus oo ay gadaal ka riixeyso Dowladda Mareykanka, sidoo kalena ay kula jiraan Turkiga, Jabuuti, Itoobiya iyo dalal kale, ayaa waxaa ka qeyb gali doona oo Jabuuti u ambabaxaya Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, iyo Wasiir Dibadeedka Somalia, Md Ciise Cawad.

Dhanka Maamulka Somaliland waxaa meteleya Madaxweynaha Somaliland, Md Muuse Biixi iyo wefdi culus oo la socda ayna ka mid yihiin; Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Saleebaan Gaal, Wasiirka Arrimaha Dibedda Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, qaar ka mid ah ama gebigood madaxda Xisbiyada iyo xayn Wasiirro ah.

Waxaa shirka oo uu qabanqaabiyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale iman doona oo ku casuuman Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo wakiillo ka socda Midowga Afrika, Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD,  iyo dhinacyo kale oo isu yaqaanna ”dalalka daneeya arrimaha Somalia”.

Waa kulankii ugu ballaarnaa ee dhaca tan iyo markii ay jabhaddii SNM sheegtay inay ka go’day Somalia inteeda kale 1991-kii, waxaana dhici karta in markale laga wada hadlo midnimo loo dhigo sees adag.

Hadalsame Media