DAAWO: Daroonka Turki sameega ah ee Bayraktar TB2 oo RIKOODH cusub dhigay + Sawirro

0

(Ankara) 13 Juun 2020 – Daroonnada Turkey sameega ah ee Bayraktar TB2 oo ka mid ah 3 nooc oo maxalli ah ayaa rikoodh cusub dhigtay kaddib markii ay hawada ku jirtey 200,000 oo saacadood, iyada oo noqotay dayuuraddii ugu horreeysey ee uu Turkigu dhiso ee intaa hawada ku jirtey marka la eego taariikhda cireed ee dalkaasi guunka ah.

Bayraktar TB2 ayaa waxay ka mid tahay dayuuradaha ugu casrisan noocyada UAV ee dabaqadeeda ah, iyada oo bannaanka ku taalla elektarooniggeeda hormarsan, barnaamijyadeeda, diinaamikada hawo, awoodda ay u leedahay inay wax ka aragto badda gunteeda, duullista otomaatigga ah iyo bandhigga guud.

Bayraktar TB2 oo ah nooca ku duula joogga dhexe, balse adkaysiga dheer leh (MALE) isla markaana awood u leh inay qabato howlaha sirdoon iyo kuwa duullaan ayaa awood u leh inay soo gudbiso sawirro waadax ah oo arag shimbireed ah oo ay ka qaadayso meelo fog.

Dhererkeedu waa 8,239 mitir (27,030 oo cagood) waxayna hawada ku jiri kartaa 27 saacadood caadiyan, iyada oo qaadi karta hub uu culayskiisu yahay150 kg (330 rodol) waxayna howlgashaa habeen iyo maalinba, waxaana Ciidamada Turkiga lagu qalabeeyey 2014-kii, iyada oo hubka lagu xirey 2015-kii.

Hadalsame Media