XOG: Madaxweyne Farmaajo oo laga yaabo inuu xilka iska casilo & Muuse Biixi oo … (Qorshe culus oo socda)

0

(Muqdisho) 12 Juun 2020 – Waxaa soo baxaya xog culus oo la xiriirta qorshe cusub oo in muddo ahba la karinayey taasoo la xiriirta midow cusub oo uu Maamulka Somaliland ku ogolaanayo DF Somalia, sida ay ogaatey warbaahinta Goobjooge.

Qorshahan oo uu riixayo dalka Maraykanka ayaa waxaa sidoo kale gadaal ka taagan ururrada Midowga Afrika, Midowga Yurub, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaa uuna ujeedku yahay in la helo qorshe dib loogu dhidbayo midnimo dhexmartay Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia, waxaana qorshahan ka mid ah in Madaxweyne laga dhigo siyaasi ka socda dhanka Somalilnad (Muuse Biixi) iyo Ra’iisal Wasaare ka socda Koonfurta (Xasan Cali Kheyrre).

Waxaa qorshahan seeska u dhigay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, oo sheekadan bilaabay kaddib kulankii uu isugu keenay Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland, wuxuuna arrintaa iminka u xil saaray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo lagu wado inay magaalada Jabuuti isugu tagaan toddobaadka socda wufuud culus oo ka kala duwan oo ka kala socda labada dhinac.

Waxa uu jadwalku yahay, sida ku qoran warka, in uu magaalada Jabuuti tegi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu wehlinayo Ra’iisal Wasaaraha XF Somalia, Xasan Cali Kheyrre, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi culus ballaaran oo la socda ayaa iyaguna halkaa ka degi doona, waxaa sidoo kale shirka ka qeyb gelaya dalal fara badan iyo ururka Midowga Afrika.

Haddii qorshahan lagu guuleysto, ayaa waxaa lagu wadaa inuu xilka iska casilo Madaxweyne Farmaajo oo bilo dhowr ihi xilka uga hareen, waxaana muddo ilaa 2 sanadood ah lagu dhisi doonaa xukuumad uu Madaxweyne ka yahay Madaxweynaha Somaliland, Ra’iisal Wasaarena uu ka yahay Ra’iisal Wasaaraha Somalia.

Yeelkeede, arrintani waxay u baahan tahay waqti badan marka dhinacyo badan wax laga eegana wax shir iyo laba kusoo afjarmaya marna ma aha, marka dhinac walba laga eego.

Inkastoo qorshahani uu si hoose ku socday muddo sanad ka badan, wuxuu hadda soo gaaray heerkii ugu sareeyay iyo wejigii ugu dambeeyey, waxaana si toos ah u taageereysa Dowladda Mareykanka.

Dadka u dhuun daloola arrimaha caalamka iyo waxgaradka Soomaalida ayaa qaba in haddii aan la helin xal siyaasadeed oo ay la timaado Soomaalida Somalia, ay gebi ahaanba halis jiritaaneed (existential threat) ku jirto Somalia oo iminka 30 sano ka badan kusoo badbaaddey Xeerka Caalamiga ah oo iminka u muuqda mid daaqadda kasii baxaya oo la isu awood sheeganayo amaba markale la is addoonsan karo.

Hadalsame Media