JUVENTUS VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Torino) 12 Juun 2020 – Waxaa caawa ciyaaraya labada kooxood ee Juventus vs AC Milan oo ku ballansan lugta 2-aad ee nus-dhamaadka Coppa Italia, kulan noqonaya midkii 1-aad kaddib hakintii Covid-19, iyada oo ay ciyaartii hore 1-1 kusoo dhamaatay.

Waxay soo geleysaa 21:00 xilliga Yurubta koonfureed, waxaadna ka daawan doontaa Hadalsame Media insha ALLE.

JuventusDhanka Juventus: Maurizio Sarri ayaa ka quustay Aaron Ramsey iyo Gonzalo Higuain. Waxaana goolka ilaalinaya Gianluigi Buffon shax ah 4-3-3, waxaana ka horreeya Danilo, Matthijs de Ligt, Leonardo Bonucci iyo Alex Sandro.

Rodrigo Bentancur ayaa taagan dhexda midig, waxaana wehlinaya Miralem Pjanic oo kubadda qaabeeynaya iyo Blause Matuidi oo dhanka kale ka xiga. Weerarku waa Douglas Costa, Paulo Dybala iyo Cristiano Ronaldo.

MilanDhanka AC Milan: Stefano Pioli, ayaa tiiyoo uu beryahan dhowr nooc tijaabiyey waxa uu ku socon doonaa shaxda 4-2-3-1 sida ku dhigan La Gazzetta dello Sport. Waxaa Gianluigi Donnarumma difaacaya Andrea Conti, Simon Kjaer, Alessio Romagnoli iyo Davide Calabria oo bedelaya Hernandez oo ganaaxan.

Khadka dhexe waa Ismael Bennacer iyo Frank Kessie waxaana ka horreeya Lucas Paquetá iyo Giacomo Bonaventura oo geesaha saaran iyo Hakan Calhanoglu oo lambarka buuxa taagan, weerarka dhexe waxaa madi ku ah Ante Rebic.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 1 SZCZESNY
  • 31 PINSOGLIO
  • 24 RUGANI
  • 2 DE SCIGLIO
  • 3 CHIELLINI
  • 13 DANILO
  • 6 KHEDIRA
  • 25 RABIOT
  • 8 RAMSEY
  • 33 BERNARDESCHI
  • 41 COCCOLO
  • 1 BEGOVIC
  • 90 A. DONNARUMMA
  • 46 GABBIA
  • 93 LAXALT
  • 33 KRUNIC
  • 20 BIGLIA
  • 94 BRESCIANINI
  • 56 SAELEMAEKERS
  • 17 LEAO
  •   MALDINI
  •   OLZER
  •   COLOMBO
AAN LA HELI KARIN

  • Demiral
  • Higuain
  • Duarte
  • Ibrahimovic
  • Musacchio

GANAAXAN

    • Ibrahimovic
    • Castillejo
    • Hernandez



    Hadalsame Media