FALANQAYN: Qabiilka miyaa khaldan mise ciddii ku qaraabanaysa?!!

0

(Hadalsame) 11 Juun 2020 – Hordhac – Aan ku bilaabo qeexid kooban qabiilka oo u dhigan sidaan:

“Waa Qaab dhismeed bulsho oo taariikh iyo door weyn ku leh, guud ahaan, nolosha, dhaqanka iyo dareenka Ummadda Soomaaliyeed”.

Soomaalidu mar iyo meel ay joogtayba, marxalad ay mareeysay iyo nooc kasta uu ahaa qaab nololeedkeedu – reer guraa, beeraley iyo reer magaal midba- way qabatimeen oo dhaqangal ka dhigeen “Hayb-sheegashada” qabiilka iyo isla dumiddiisa, asagoo leh muuqaal, xeer iyo had-dhaqan u eg Iskaashato danwadaag ah. Waxaa taa ka marqaati furaya mahmaahda dhaheysa:

“Nin intii dhibtaa tol ma dhibto”

Qaabiilku dhib iyo dheefba waa leeyahay oo hadba waa sida loo adeegsato. Waxaa, kaliya, loo baahan yahay waa awood Dawladeed dhibkiisa xakameysa. Arrimaha dhiirigalinaya iskaashiga iyo xulufeysiga beeleysan waxaa ka mid ah xafidaadda silsiladda tixan ee Abtirsiimada (Lineage) oo qofka Soomaaligaa u ah aqoonsi raad-raac iyo summaddiisa hayb-sooca.

Haddana, nolosha iyo is dhexgalka degaan magaalo wax badan kama badalin saameeynta Qabiilka, ayadoo, maanta la helayo, xittaa, caruur ku dhalatay dibadda oo waalidkood xafidsiiyay abtirsiimadooda.

Aan tusaale kaaga dhigtee, waxaa marar badan dhacda in laba qof markaas is bartay ay wada fariistaan oo sheeko dhex marto, balse midwalba dhankiisa u fiigsan yahay, dareenkiisu aanu daganeyn, isla markaana kalsoonida wadahadalku qabyo tahay, ilaa midba midka kale ka ogaanayo qabiilkiisa!!!!!!!.

Laga yaabee, in reer magaalku uusan ku dhiiran karin inuu si toos ah kuu weydiiyo “Qolomaa tahay?”, balse su’aashaas weydiinteeda u keydsado oo la kaashado qof kale adiga ku taqaana.

Dhanka kale, waxaa hubaal ah in degaanada miyiga taasi tahay su’al caadi iska noqotay oo salaanta kadib ibafurka wareysiga labada qofood, aan aqoon hore ka dhaxayn, ku bilaawdo ogaashaha qolada iyo qabiilka milwalba yahay.

Inta aanan ka bixin qaybta “Hordhaca”qormada aan isweydiiyo:

“Waa maxay Qabyaaladdu?”, si loo ogaado faraqa u dhxeeya Qabiilka iyo Qabyaaladda. Qabyaaladdu waa:

“Hab-dhaqan iyo ficilkiis qaldan, ku saleeysan eex iyo xadgudub, ayadoo qof ama koox la siinayo wax aanay mudneyn looga habbon yahay, sidaasna lagu duudsinayo qof ama koox kale xaqeed”.

Dulucda qormada

Marka qeexidda sidaa loo dhigo, waxaa muuqaneysa in faraq weyn u dhaxeeyo Qabiilka iyo Qqabyaaladda. Ayadoo Qabiilku noqonayo “Hay’ad Dhaqameed”, halka Qabyaaladdu noqoneyso “Ficil iyo hab-dhaqan xadgudub ku saleeysan”.

Hase yeeshee, waxaa jira xaalado sahlaya in qabiilka iyo qabyaaladdu isku milmaan xagga micnaha iyo adeegsiga, ayna adkaato in la arko tilmaamo muuqda, la taaban karo oo lagu kala garto. Waxaa xaaladahaas ka mid ah:

1- Marka awoodda dawladnimo wiiqanto (taagdareyso), kadibna dhawridda sharciga iyo ku dhaqankisu yaraado, waxaa luma kalsoonida qofku ku qabo sharciga iyo cadaaladda, kadibna wadada kaliya qofku u ciirsan karo inuu xaqiisa ku dhacsado ayaa ah tubta adeegsiga Qabiilka iyo qabyaaladda oo isku darmay, adagtahay in la kala sooco.

2- Haddii dalka, guud ahaan, aanay ka jirin maalgalin sahasha fursad shaqo iyo dakhli abuur oo dhaqaaluhu yahay mid fadhiid ah (Economic stagnation), waxaa caado ah in qaab ku dhisan musuqmaasuq, eex iyo qabiil iyo qabyaalad, mas’uulkii fursad u helaa, tolkiisa ka waraabiso khasnadda Dawladda oo ah naaska qura irmaan. Waa tii horay loo yiri:

“Dhari ninkii u dhaw ayaa lafaha kala baxa”.

Soomaalidu waligeed iyo dhaqan ahaan, aaminaada iyo ku tiirsanaanta qabiilku waxay ahayd mid soo jireen ah, ayadoo marxalad taariikheed kastaa la soo maray lahayd xeerkeeda iyo hab-dhaqankeeda ka jawaabayay baahida iyo duruufta nololeed markaas jiray.

Waxaa jirtay mar la ahaa:

“Bulsho reer guuraa baahideedu xakameysan tahay, leh degaan iyo deris kooban, danteedu tahay daaq iyo daryeel dunnyo xoolaad”.

Waxaa xigtay marxalad loo soo hayaamay nolol magaaloo iyo is dhexgal bulsho ka ballaaran tii miyiga, taasoo u baahatay:

“Maamul iyo hoggaan guud la wada leeyahay, Sharci dhaqangal ah oo maareeya nabadda iyo wada noolaashaha iyo waliba qorshe keeni kara ididiilo mustaqbal hiigsanaya horumar iyo baraare bulsho”.

Mar kasta iyo marxalad kasta la soo maray (miyi iyo magaalo), haba kala mug iyo miisaan weynaadee, dareenka iyo doorka qabiilku waa jiray.

In kastoo dadaalkii iyo wacyigalintii SYC/SYL intii u dhaxeysay (1943-1959) ay ahayd 16 sano oo dareenka Midnimo, Soomaalinimo iyo Wadaninimo aad kor ugu kacay, si weyn looga dareemay goob iyo gayi kasta ka mid ahaa degaanka Soomaaliweyn.

Halkan hoose ka akhriso dhaartii rasmiga ahayd ee lagu dhaarin jiray qofka dalbanaya inuu xubin ka noqdo SYL:

“Magaca Ilaaheey ayan ku dhaaranayaa in aanan qof Soomaali ah dhibaato u geysaneyn. Haddii qof Soomaali ah dhibaato haysato in aan kaalmeynayo.

In ay abboowe iyo abbayo ii yihiin dhammaan xubnaha kale ee SYL.

In aan marna sheegeeyn (caddeyneyn) qabiilkeyga. Xagga guurka, in aanan wax takoor ah (kala soocid) ku sameyneyn Qabaa’ilka Soomaaliyeed”.

In, dhankaas, SYC/SYL ay guulo ka gaartay waxaa, tusaale aad ku qanacdo kuu noqon kara, in Dawladdii daakhiliga 1956 ay ka koobneyd lix Wasiir oo “labo isku juffo ahayd, labo kalena isku Juffo ahayd”:

– Cabdullaahi Ciise Maxamud iyo Xaagi Faarax Cali Cumar.

– Muuse Boqor Cismaan iyo Salaad Cabdi Maxamuud.

Haddana ma jirin cid ku dhiiratay inay:

1- cilladeyso qaabkaas xulasho.

2- qaab qabiil ugu hanjabto dawladda la soo dhisay.

3- dhahdo looma dhama iyo waa in ay dhacdaa.

Waxaa la isla ogolaa sharciguna farayay in awoodda rididda Dawladda uu leeyahay Barlamaanka la soo doortay Maarso 1956 oo ka koobnaa 70 xubnood:

– 60 Soomaali ah

– 10 Ajnabi (4 Carab, 4 Talyaani, 1 Hindi iyo 1 Pakistaan).

Dhanka kale, haddii aad u sii guurgasho, waxaad fahmeysaa in lixdooda mid walba matalayay Gobol ka mid ah lixdii Koofurta Soomaaliya oo ahayd halkii laga soo doortay:

1- Cabdullaahi Ciise Maxamuud – Banaadir

1- Haji Muuse Boqor Cismaan – Bari

2- Haaji Faarax Cali Cumar – Mudug

3- Sheekh Cali Jumcaale Barale – Hiiraan

4- Maxamud Cabdinur (Juuje) – Jubada Sare

5- Salaad Cabdi Maxamuud – Jubada Hoose

Isbedeladii taariikheed dhacay iyo saameeyntii qabiilka

a- Golihii Wasiirada, Cabdullaahi Ciise, mar kale soo dhisay kadib doorashadii Maarso 1959, waxay ka koobnaayeen 16 Wasiiro iyo Wasiiro K/xigeen si siman loogu qaybsaday sadeex beelood (3.0).

Waxaa xusid mudan in doorashadii Barlamaanka Maarso 1956, maadaama ay ahayd middii ugu horeysay, ay u dhacday qaab jacbur iyo tijaabo ah oo muran iyo shaki badan dhalisay, gaar ahaan, codbixintii miyiga.

Balse, saddexdii doorasho Barlamaan (1959-64-69) xeel iyo xirfad kaleba ha la isku maquuniyee, waxa codbixinta loo fuliyay qaabka “hal qof hal cod” habeeysan, ayadoo ay jirtay awood Maxkamadeed wax kala saarta (lagu kala baxo) hadii ay timaado cabasho la xiriirta doorashada.

b- Waxaa xigay marxalad taariikheed, 21 sano xukun Milateri iyo hal xisbi macmal iyo maqaarsaar ahaa oo aanay jirin doorasho iyo ka hadalkeed.

t- Marxalad taariikheed kale ayaa bilaabatay 1991, waxaa dagaal beeleeysan lagu burburiyay haykalkii dawladnimo oo markii horaba isla liitay

(dhiig-baxayay), ma jirin qorshe iyo qaab la isla ogolaaday, horay loo sii diyaariyay, buuxiya marnaanshaha Maamulka Dawladda (State Administration vacuum). Wixii dhacay ayaa dhacay, akhristow, cidina kagama xog-ogaalsana.

j- Laga soo bilaabo 2000 shirkii Carta (Jabuuti) waxaa dib loo yagleelay Maamul Dawladeed ilaa xad la isla ogol yahay, marla laga reebo Gobolada waqooyi (Somaliland) oo ayagu tashaday in ay tagaana talo ku gaaray Shirkii Burco May 1991.

Waxaa mudan in la is weydiiyo su’aasha ah:

Koofur Soomaaliya “Ex Italian Somaliland”, muddada 20-ka sano (2000-2020) ay jirtay Dawlad ku/meel gaara iyo mid haysata aqoonsi buuxa, loogu dhici waayay in la sameeyo Doorasho ah“hal qof hal cod”?

Jawaabta su’aashaan waxaa kasoo dhex baxaya “Saameeynta Qabiilka iyo siyaasad xumada Koofurta”.

Eedda su’aashaas ka dhalaneysa waxaa, badankeed isla leh, labada Hay’adood:

Sharci dajinta (Barlamaanka) iyo Fulinta (Golaha Wasiirada).

Gaar ahaan, Barlamaanka ayaa eeddu dul hoganeysaa, waayoo asaga ayaa leh awood uu ku cadaadiyo Dawladda in ay fuliso barnaamijyada masiiriga ah ee la xiriira Danta Qaranka.

Arrimaha is biirsaday ee murgiyay Siyasadda guud Qaranka, aniga aragtideyda, waxaa ka mid ah:

1- Habka doorasho u yaalka ah, suuq madoow, beeleeysan, aan anigu u aqaan magaca “First Paid The Post” oo dalkeena muddo dhaqangal ka ah.

Qaabkaan doorasho ayaa fududeeyay in Barlamaanka ay ka mid noqdaan qayb ah xulufadii dagaal oogeyaashii dalka soo gubay.

2- Kuwa loo yaqaan “War traders- Tujaarul Xarbi” ka hodmay dhibka iyo dhiigga danyarta. Waxaa hubaal ah in lacag dhidid iyo dhabar-adeyg lagu kasbaday aan hal malyan doolar iyo ka badan lagu gadaneyn kursi Barlamaan.

3- Kuwo labo summadle ah (dual nationality), dollar-doon ah, dalka u soo shaqa tagay, ujeeddadoodu tahay “ka tabco oo ka tag”.

Lagana yaabo inuu ka soo cararay qooyskiisi kadib markii uu ku fashilmay maamulka iyo mareeynta reerkiisa, haddana uu rabo inuu Qaran Maamulo.

4- Kuwo isku darsaday da’ yaraan iyo dareen hooseeya, ka maran

waayo-aragnimo Siyaasadeed, wadaniyad iyo Qab Soomaalinimo, ku qafiifay magaca Siyaasi iyo ha lagaa sheggo. Kuwaasoo la soo taagan hadal aan dhamaaneyn, dhaliil aan qodob haysan iyo muccaradnimo aan la garaneyn cidda ay ku matalaan, haddii aanay ahayn mid la isku muujinayo oo xil iyo xoolo doon ah.

5- Kuwo ay sidato mawjadda caadifadda Qabiilka, damaca iyo daneysiga qofeed, aan xalaasha iyo xaaraantu u kala soocnayn, danta Guud/Qaran diwaankooda ku qorneyn, isla markaana doorbiday afuufka firimbiga ay dusha uga qoran tahay magac qabiil.

6- Waxaa wali soo taagan kuwii shalay soo qabtay xilalka Qaran halka ugu sareeysa oo dhibaatadii laga dhaxlay maamulkooda laga dhammaan la’ yahay, walina u hanqal taagaya inay mar kale fursad u helaan adeegsiga Musuqmaasuqa ay ku hodmeen iyo burcadnimadii baddeena lagu hibeeyay.

Kaba sii darane, marar badan aad maqleysid ayagoo qaab qabiil Dawladda ugu goodinaya dagaal hubeysan.

7- Hase yeeshee, waxaan qirayaa in Barlamaanka ay ka mid yihiin tiro muuqata oo aqoon, sharaf, xilkasnimo iyo hufnaan muujiyay, isla markaana haybad iyo karaamo bulshadooda uga dhex muuqda. Kuwo kalena mabda’aas xalaasha ah dartiis loo dilay.

Waa mudan tahay inaan tusaale u soo qaato Saada Cali Warsame (AUN).

“Adoo dhaxal reebi kara ha noqon dhinte aan la tabin”.

Gabagabo

Bulshaweynta Somaaliyeed, meel ay joogtaba, waxaan fursaddaan uga faa’ideysanayaaku inaan ku baraarujiyo in wixii soo maray 30-kii sano ugu dambeeyay ay waayo-ragnimo ugu filan yihiin.

Goobjoog ayay u ahayeen, ama looga sheekeey, ama waxay ka daalacdeen goobaha keydka xogta iyo taarikkhda.

Waxay si fiican ula socdaan halka adduunku maanta marayo iyo meesha aan uga jirno liiska tixanaha qiimeeynta tayada iyo horumarka dalalka adduunka.

Intaas ka badan, waa maxay waxa, bulshaweynta Soomaaliyeed, u dhiman oo qiiradeeda kicin kara, si ay u qaadato go’aan wax ka tara xaaladda dalka iyo dadku ku sugan yahay.

Taladu wali gacantaada ayey ku jirta, dantaada u istaag oo u hiilli:

“Nabadda, Cadaaladda, Midnimada, Isfahamka, tanasulka iyo Wax isku quuridda”. Ayagaa ah furaha kalsoonida iyo isdhexgalka bulshada, ayagaa ah awoodda mideyn kara muruqa iyo maanka dadweynaha.

Hal-beegga xulasho ee shaqsiyadka kugu matalaya xilalka kala duwan, sida: Dhaqanka, Maamulka iyo Siyaasadda – ha ahaado aqoon, karti iyo hufnaan.

Iskana fur dabarka Qabiilka, adigoo aaminsan:

“Waxaad wadajir iyo Soomaalinimo ku weyday ha filan inaad ku hesho wado Qabiil”. Akhristow, aan kuu deeqee iga guddoon murtidii laga dhaxlay Halgamaa Xaaji Faarax Oomaar Ileeye, taasoo dhaheysa:

“Dalkaygu ka yar mid shan meelood loo kala qaybiyo;

Dadkiisuna ka itaal yar wax la rarto!”

Anigoo Murtida Xaaji Faarax tixraacaya aan dhaho, qormadana ku soo xiro:

“Dalkaygu ka yar mid dawlado yaryar Imaaraad ah loo kala qaybiyo; dadkiisuna ka hanweyn gacan hoorsiga asaaggiis”.

Rabbiyow talo suuban iyo tubta toosan.

Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)

E-mail: [email protected]

Hadalsame Media

Facebook Comments