MACLUUSHA MASKAXDA: Waxaa jirta CUNTO maanka korisa oo ka muhiimsan midda muruqa korisa

0

(Hadalsame) 11 Juun 2020 – MACLUUSHA MASKAXDA – Hadda oo aan kursi ku fadhiyo, waxa aan dhammeeyey qoridda arrinti maskaxdayda ka guuxaysay, ee aan ka fakarayey caawa markii aan jidka dheer ku soo lugaynayey.

Waxa la sheegaa in ay jiraan fikrado badan oo waxtar leh, balse ku dhex duugooba maanka dadka, nasiib-wanaagse tan caawa qoraal baan u bedelay.

Haddaba aniga oo aan ararta idinku asqayn waatan sheekadi na dhex martay aniga iyo isla aniga:

Buuggaan yar ee aan gacanta ku wato, waa kii aan dhawr maalin ka hor akhriyey, haa, waa kii, xaafaddiina kuma ogi mid ii dihin oo aan caawa baalashiisa dhex dabaasho.Laakiin maan sii gato soo magaalo dhan ma joogo?

Sii gato! Xaggee?

Oo waxa aan xarumo ganacsi sii dhex marayo, ma waan laga heli karin mid buug laga iibsado?

Maya meeshaan suuq weyn ma ahan, raashinka iyo cuntada daruuriga ah bes baa laga helaa.

Horta maxaa loo yiri “Sida jirku cuntada ugu baahan yahay baa maskaxduna akhriska ugu baahan tahay”?

Waaba run oo waa kii abwaan Hadraawi lahaa “Inta maanku gaajaysan yahay guuli waa wali” oo hadday sidaas tahay xaggee salaaddu iska qaban la’dahay?

Xaruntaas dhinac midig iga xigta waxa lagu gadaa caanaha geela, dukaankii aan hadda soo dhaafayna waxaa laga helaa dhammaan raashinka la karsado, meeshaas dumarku hor dhoobanyihiinna waxaa laga iibsadaa qudaarta, tan ka soo horjeeddana hilibka, waxaas oo dhan soo ma’ahan cunto daruuri ah? Haa waa cuntadii jirka. Haddaba aaway tii maskaxdu? Ma ogi, yaa iiga jawaabaya oo ila socda!

Tolow dhaliishaas ma ganacsatada ayaa leh? Waxa ay ila tahay haddii dadku wax akhrin lahaayeen in meel kasta buug laga heli lahaa.

Waxaaba cajiib ah, qofku haddii uu cunto waayo waxaa ku dhacda macaluul, waxa uu yeeshaa calool kuusan, lugo dhuudhuuban sidoo kale waxaa ku dhaca cudurro, wax qabadkiisuna waa uu yaraadaa, maskaxdeenuna ma sidaas baa, Illeen akhris la’aan baa ku dhacdaye,macaluul miyay la jiiftaa, muuqaalkeedu ma wayd baa, wax qabadkeeduna ma wahsibaa, Alla amay baahi u dhimataa! Oo hada ma nooshahay? Ma aqaan midhaa jirka waa ay ka adkaysi badan tahay.

Waxa kale oo is weydiin mudan, dadku marka ay raashin waayaan, waa tii loo gurman jiraye maskaxda iyo caqliga maa loo gurmado oo maraakiib buugaag ah lala soo gaaro?

Yaa u gurmanaya?

Kani sow maahan jidki gurigayga looga leexan jiray, waaba dhaafi gaaray, intii aan mashquulsanaaye.

Horta Dadkaan koox-kooxda u socda, kuwo mid midka u lugaynaya, kuwa baabuurta saaran ee i dhaafaya, kuwa jidka geeskiisa fadhiya ee anigu aan dhaafayo, kuwa ka dhex hadlaya guryaha ii dhaw iyo kuwa ay la hadlayaanba, ma waxa ay ka fakarayaan arrintaan maskaxdayda ka guuxaysa mise hawlahooda kale bay iska wataan?

“Soo gal, albaabku ma xirnee ha garaacine” qof guriga dhexdiisa ka soo tannaagooday baa hadalkaas igu yiri isagaana fikirki soo afjaray.

Qalinkii: Abdiqani Ali Aden (Xigmad)

Hadalsame Media