Hay’adda Fatwada Masar oo ka noqotay war ay la yaabtay dunida Muslimku oo ay ku DURTAY furashadii Constantinople

0

(Qaahira) 11 Juun 2020 – Xiisadda ka dhex oogan Masar iyo Turkiga ayaa meel xun gaartey kaddib markii ay Hay’adda Diinta Islaamka ugu qaybsan Qaahira, Dar al-Ifta, ay furashadii Constantinople (Istanbul) ee 1453-kii ku tilmaantay “dhul la haysto”, iyaga oo war ay boggooda Facebook soo dhigeen MW Recep Tayyip Erdogan ku eedeeyey inuu leeyahay “han gumaysi” oo caalami ah.

“Hagia Sophia waxay ahayd kaniisad ay dhistay waayihii Byzantine sanaddii 537 Ciise CS dabadii, iyada oo sidaa ahayd 916 sanadood kahor intaanay Cusmaaniyiintu qabsan Istanbul [Constantinople] 1453-kii, oo aysan masjid u rogin,” ayay soo qortay hay’ad dhan oo Masar ugu qaybsan fadwooyinka Islaamka oo dacwo ka qabta in kaniisad masjid loo belo isla markaana duraysa furasho taariikhi ah oo ay Islaamku sameeyeen.

Yeelkeede, arrintan oo aan u qurqursamin dadwaynaha ayay doodi ka holacday waxaana kiiska aad loogu jeex jeexay baraha bulshada, taasoo ugu dambayn keentay in Dar al-Ifta ay sixitaan sameeyso, waloow aysan ka laaban xagxagashadii Erdogan oo ay ku tilmaameen ”kali talis”, waloow ay hoos joogaan Fitaax Siisi oo aysan ku doodi karin inuu dimoqraadi yahay.

“Arrinta furashada (Qonisdandiiniyah) Constantinople, waa mid wayn oo uu farayo Nabi Muxamed (NNKH), waxaana fuliyey Khaliifkii waynaa ee Cusmaaniyiinta ee Sufi Sultan Mohammed al-Fateh,” ayay qoreen iyaga oo ula jeeda Sultan Mehmet II.

“Balse Erdogan wax xiriir ah lama laha Mohammed al-Fateh.” ayuu u qorna war liin ku dhiijin ah oo ay daba dhigeen.

Madaxa Wakaaladda Diimeed ee Turkiga, Ali Erbas, ayaa hadalka Dar al-Ifta ku tilmaamay “mid nasiib darro ah oo misna aad u foolxun”.

MW Turkiga ayaa sanadkii tegey ballan qaaday inuu Hagia Sophia – oo iminka matxaf ah – dib ugu celinayo masjidkii ay ahaan jirtey.

Hadalsame Media