Duqa Magaalada Manchester oo cadaadis badan kaddib ogolaaday in dib loo furo kiiska gabar Soomaali ah oo lasoo noolaaday kacdoonka ka dhashay dilkii George Floyd

0

(Manchester) 11 Juun 2020 – Duqa Magaalada Manchester ayaa sheegay in uu “dib u eegi doono kiiska” gabar 12-jir ahayd oo Soomaali ah oo ku hafatey webi halkaa ku yaalla.

Shukri Yaxye Cabdi ayaa markii dad ugu war dambeeysey lagu arkay daanta webiga River Irwell ee magaalada Bury, Greater Manchester, bishii Juun sanadkii tegey.

Hooyada gabadhan dhashay ayaa sheegtay inay rumaysan tahay inay gabadheedu la joogtey gabdho ay ku tilmaantay inaysan saaxiibadeed ahayn, iyada oo uu Andy Burnham u sheegay BBC Asian Network inuu helay 6,000 oo email oo kiiska gabadha ku saabsan.

“Waa kiis aan la xallin marka dabeecaddiisa la eego, balse dib baan u eegi doonaa waxaana ku baaqi doonaa baaritaan hor leh,” ayuu ku yiri Big Debate.

Gabadhan ayaa markii ay dhimatay waxay Booliiska Greater Manchester(GMP) iska xireen kiiskeeda iyaga oo ku sifeeyey  “shil” meeshana ka saaray inay jiraan wax kale oo la tuhmi karo.

Yeelkeede, su’aalo la waydiiyey wax lagu sheegay Child One, oo webiga joogey isla markaana aan la magacaabi karin arrimo sharci dartood, wuxuu qiray inuu Shukri dil loogu hanjabey geerideeda kahor.

Child One ayaa isaga oo marinaya qofka ka mas’uulka ah sheegay in gabadha lagu yiri “haddii aanad biyaha gelin waan ku dilayaa” balse loo yiri “qaab kaftan iyo qosol ku dheehan yahay”.

Waxaa lasoo gudbiyey codsi danabeed lagu dalbanayo “cadaalad ay hesho Shukri” kaasoo ay saxiixeen 400,000 oo qof oo uu ku jiro atooraha Star Wars ee John Boyega oo dadkana ku boorriyey inay saxiixan.

Arrinta Shurki ayaa dib usoo kacday kaddib kiiskii ceejiska ahaa ee George Floyd, iyada oo la dareensan yahay in aan kiiskeeda la siinin dareenkii uu mudnaa.

Hadalsame Media