QARDA-JEEX: Doorasho qof & cod ah oo qalqiil ku jirta, middii caadiga ahayd oo hal shuruud ku xiran & khilaaf ka dhex taagan hay’ad ka mid ah DF

0

(Hadalsame) 11 Juun 2020 – Senatar Mowliid Xuseen Guhaad oo ah Gudomiye ku xigeenka 2-aad golaha Aqalka Sare ee Soomaliya ayaa ka soo horjeestay go’aankii guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka uu ku baaqayay in dawladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ay isugu yimaadaan kulan degdeg ah kahor 25 ka bishan Juun.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kulan uu la qaatay guddiga joogtada ee golaha waxaa uu soo saaray qoraal uu ku sheegay in loo baahan yahay in la qabto shir ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada kaas oo looga gol-leeyahay in looga arinsado hannaanka lagu gali doono Doorashooyinka Qaranka 2020/2021 si loo helo hab iyo hannaan lagu wad qanacsanyahay.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in shirkaasi guddigu yeesheen aannu waafaqsaneyn xeer hoosaadka golahaasi.

”Waxaan ku diidanahay iyadoo ay Xamar ku sugan yihiin 12 sanator oo buuxin kara booskaasi in xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee aqalka oo dalka ka maqan aaladda Zoom lagu raadiyo, iyadoo aysan jirin baahi keeni karta, waxayna arrintaasi baal marsantahay Xeer Hoosaadka Aqalka Sare”, ayuu yiri Gudomiye kuxigeenka.

”Xeer hoosaadkeena waxa uu dhigaya in guddomiyaha Golaha Aqalka Sare uu go’aamada muhiimka ah kala tashado ku xigeennadiisa, sidoo kale ku xigeenada la tashadaan guddoomiyaha laakin hadda taasi ma muuqato”

”Guddoomiyaha ilaa afar jeer baan arrrintan ka wada hadalnay balse iskumaan fahmin, taasi ayaana sababtay inaan dalbano guddiga joogtada ah.”

”Xalka haatan waxa uu ku jiraa in shacabka Soomaaliyeed si cadaalad ah loogu adeego iyadoo la ilaaninayo dastuurka iyo xeer hoosaadyada, gaar ahaan Aqalka Sare.”

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka.


Horeyna maamullada Puntland iyo Jubaland iyo ururrada mucaaradka ayaa u soo dhaweeyay go’aanka guddiga joogata ah ee Aqalka Sare iyagoo ku tilmaamay tallaabo waqtigeeda lagu soo beegay.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah shir ugu ula yeelato Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, si xal waara looga gaaro khilaafka hareeyay geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu daabacay bogga Safaaradda ayaa lagu shegay in Dowladda Mareykanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeyso inay si deg-deg ah shir u qabato dhammaan Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee maamul goboleedyada, Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa saldhig u ah mabda’a wadahadalka iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, Qodobka 51 farqadiisa (3) wuxuu dhigayaa in Madaxweynayaashu kulmaan ugu yaraan hal jeer sanadkii”

“Waxaan soo dhaweynaynaa hadaladii dhowaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo daneeyayaasha kale ee codsaday inay shir isugu yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.


War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay inay taageerto dadka Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay inay horumariso hadafyadayada iyo himilooyinkeeda mustaqbalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo ballanqaad dib loo cusbooneysiiyay wada hadalka nabadeed, waxaana ku kalsoonahay iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inuu muwaadininta Soomaaliyeed u horseedi doono nabad, barwaaqo, iyo horumar.

Suurtagal ma tahay doorasho qof iyo cod ah?

Inkastoo ay xildhibinada golaha shacabka ay ansixiyeen sharciga doorashada ee dalka guddiga suurtagal ma tahay in doorahso qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya?

Xasan Sheikh Cali oo wax ka dhiga mid ka mid jaamacadaha Muqdisho, kana mid ah dadka darsa siyasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in doorasho qof iyo cod ah ay ka horeeyaan in marka hore waxyaaba badan la qabto.

“Hadii xaalka Soomaaliya sii ahaado sida u hadda uu yahay ilaa iyo Bisha Juun 2020, markaas suurta-gal ma ahan in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod, sababta oo ah gebi-ahaanba waxaan jirin qof talada Soomaaliya gacanta ku haaya oo doorasho qabta, sidaas oo kale ma jiro degaan nabad ah oo aay suurta-gal- tahay in dadka Soomaaliyeed si nabad ah codkooda ugu dhiibtaan,”ayuu yiri Xassan Cali oo xirirka caalamiga ka dhiga jaamacadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan- yahay in la yara qurxiyo qaabkii ama habkii doorasho ee dadbanaa ee la isticmaalay doorashadii kol hore ee 2016/2017.

“Saamileeyda siyaasadda Soomaaliya oo aan heshiis ku ahayn qaabka doorashada (Dowlada Dhexe, Maamul Goboleedyada, Xisbiyada siyaasadda, dadka Soomaaliyeed ee daneeya siyaasada iyo beesha caalamku), way adag tahay, waaa in aay ku midoobaan hal-aragti, hadii la waayo, aragti-midaysan suurta-gal ma ahan in aay Dalkaan doorasho ka dhacdo”, ayuu raaciyay.

Inkastoo guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Soomaaliya uu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, dadka qaarna ay su’aal gelinayaan arrintaas iyo xalaalnimada ayaa hadana waxaana la ogeyn sida arrintaas ay isugu waafaqi doonaan dhinacyada siyaasadda oo ku kala boodsan arrima badan oo ay ka mid tahay qaabka Dowladda ay ula dhaqanto maamul goboleedyada iyo siyaasadda haatan ay Dowladda ku maamusho dalka.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media