DAAWO: Heesta Nabar & Naxdin oo diidmo ballaaran la kulantay (Muxuu arrintaa ka yiri Shiine Akhyaar?)

0

(Hadalsame) 11 Juun 2020 – Waxaa baraha bulshada maanta qabsatay hees cusub oo ay soo saareen dhallinyarada Waayaha Cusub, taas oo lagu karbaashayo Xukuumadda Nabad & Nolol.

”Nacamlaha warkooda, ninkii nolol u haystoow, Soomaalida ha naafayn, NOOO NOO DHAHA NA DHAAFA!” ayaa ka mid ah erayada heestan cusub ee antiga ah.

Yeelkeede, heestan ayaa diidmo kulul kala kulantay baraha bulshada iyada oo heshay ”Dislike” middii ugu tira badnayd, balse mar ay kusii dhowdahay 50,000 oo ”Dislike” ayaa waxaa gebi ahaanba la fariisiyey badhamadii ”LIKE ama DISLIKE” oo aan iminka shaqaynayn.

Dadka qaar ayaa u dhaliilaya heesta inay diiddan tahay XF ee Somalia oo qura, ha yeeshee, waxaa jira dad kale oo ku eedeeynaya inay aflagaaddo ku jirto oo ay sababtaa darteed u cilladaynayaan.

Hadalsame Media ayaa arrintaa wax ka waydiiyey hal abuurka Shiine Akhyaar oo sidoo kale ah hormoodka kooxda Waayaha Cusub.

”Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa cabbiro, annaguna waxaan cabbirnay ra’yigeenna, ciddii keenna diiddana ku colaadin mayno oo waxaan ixtiraamaynaa Xorriyadda Hadalka!” ayuu Hadalsame Media ku yiri Shiine Akhyaar oo aannu xiriir la sameeynay.

Hadalsame Media