XOG: ”Khilaaf gudeed” qarka u saaran inuu soo shaac boxo & kulankii Golaha Wasiirrada ee berri oo la baajiyey

0

(Muqdisho) 11 Juun 2020 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la hakiyey kulankii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, kaasoo lagu wadey inuu berri dhoco sidii caadada ahayd.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kulankani u baaqday is fahmi waa ka dhex dhacay madaxda sare oo isku khilaafay wixii berri laga sheegi lahaa kulankaasi, gaar ahaan Doorashada 2021-ka, xilli ay jiraan cadaadisyo badan oo isa soo taraya, halka ay ur bixin la’dahay DF oo aan ilaa haatan sheegin nooca ay tahay doorashada dhacaysa.

RW Xasan Cali Khayrre ayaa maalin dhowayd sheegay inay khasab tahay in doorashada la qabto xilliga loogu tala galay, isla markaana arrintaa lagala hadlo saamileeyda siyaasadda.

Wararku weli ma cayimid waxa la isku khilaafay, balse waxaa la sheegay inay baajinta codsadeen Madaxwayne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, balse lama oga in baajinta heshiis lagu yahay iyo in kale.

Waxaa xusid mudan in Fahad Yaasiin uu maanta Xerada Xalane kulan kula qaatay Wakiilka QM ee Somalia, James Swan, kaasoo la sheegay inuu warqad lagu codsanayo in xaaladda cakiran la xalliyo ugu dhiibey MW Farmaajo.

Waxaa sidoo kale baaqday warbixin uu caawa soo saari lahaa RW Khayrre, taasoo aannu ka helnay ilo aad loogu kalsoonaan karo, iyada oo la sheegay in ay xaajadu taagan tahay meel isgoys ah.

Arrintan ayaa haddii ay jirto isla markaana ay xal waydo waxay keenaysaa dhibaato hor leh oo soo food yeelata, taasoo ku biiraysa dhibaatadii horay uga taagnayd dhanka doorashada.

Hadalsame Media