Soomaalida Itoobiya oo loo dhiibey xilkii ugu sarreeyey ee ay abid qabato (Arrin xasaasi ah oo uu u xilsaaran yahay)

0

(Addis Ababa) 10 Juun 2020 – Aadan Faarax Ibraahim oo Soomaali ah ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee isir Soomaali ah oo xil Guddoon Baarlaman gaarsiisan abid ka qabta dalka Itoobiya.

Aadan Faarax Ibraahim, ayaa loo doortay Guddoonka Aqalka Sare ee Federaalka Itoobiya, isaga oo bedeleya Guddoomiyaha aqalka sare ee Itoobiya Adam Faarax Ibraahim ayaa beddelay Guddoomiyihi hore ee golaha Kheyriya Ibraahim oo xilka maalmo ka hor iska casishay, iyada oo kali talisnimo ku eedeeysay nidaamka dalkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare waxaa isla maantaba loo doortay Itsegenet Mengistu.

Ibraahim ayaa ku xigeen u ahaa Gobolka Soomaalida ee ay Itoobiya ka taliso, iyada oo uu Aqalka Sare ee dalkaasi yahay hay’adda ugu sarreeysa ee ilaalisa Dastuurka dalka Itoobiya.

Hadalsame Media