Somalia oo markii ugu horreeysey soo saartay gafuur-saabka lagula tacaalo Covid-19 & arrin yar oo aan loo baahnayn oo dhacday + Sawirro

0

(Muqdisho) 09 Juun 2020 – Wasiiradda Caafimaadka DF Somalia, Dr Foowsiya Abiikar ayaa hay’adda Kaalmada Caalamiga ah ee Maraykanka ee USAID kala wareegtey af-xir ama gafuur-saab gaaraya ilaa 500,000 oo xabbo.

Waxa xiisaha lihi waa in agabkan ay dalka ku farsameeyeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay farsamo ahaan iyo maaliyad ahaan taageereeysey hay’adda USAID.

Qorshaha agabkan asaasiga u ah la dagaallanka Covid-19 ayaa waxaa uu qayb ka yahay mashruuca GEEL oo ay aalaaba dhiirri geliso hay’adda USAIDSomalia.

Wasiirradda ayaa amaan iyo mahadcelinba u jeedisey dhallinyaradaa Soomaaliyeed iyo hay’adda ka caawisay, waloow ay Wasaaradda lafteedu buuxin karto booska ay gashay USAID, si wax soo saarku uu ugu madax bannaanaado Soomaalida.

Hadalsame Media