”Sirte waa la idiin bannaynayaa balse dagaalka joojiya!” – Masar & Imaaraadka oo keenay hindise naf-la-caari ah oo ay ku badbaadinayaan Xaftar

0
Ciidamada GNA oo dabaaldegaya kaddib markii ay Tripoli la wada wareegeen 4-tii Juun

(Qaahira) 09 Juun 2020 – Abuu Dabeey iyo Qaahira ayaa maalmihii yaraa ee tegey waxay xiriir toos ah oo joogto ah la sameeynayeen Washington iyo awoodo kale oo reer Yurub ah, si Dowladda Libya (GNA) iyo Turkey loogu qanciyo inay hakiyaan weerarka ku wajahan bariga Libya, sida lagu qoray Al-Araby Al-Jadeed.

Kaddib guulo is xigxigey, Dowladda uu Turkigu taageero ee GNA ayaa Jimcihii qabsaday magaalada muhimka ah ee Tarhouna, oo ah meeshii ugu dambeeysey ee ka tirsan Galbeedka Libya ee laga xoreeyo ciidamada Khalifa Haftar oo 14-bilood weerar ku ahaa caasimadda Tripoli oo iminka laga saaray.

Ilo diblomaasiyadeed oo reer Galbeed ah ayaa sheegaya in in Masar iyo Imaaraadku ay doonayaan in Xaftar loo badbaadiyo inta u hartay, taasoo loo marayo wadahadal siyaasadeed oo uu la galo Dowladda GNA oo uu bilo kahor diidanaa.

Warku wuxuu intaa raacinayaa hindise cajiib ah oo ah inay Qaahira soo jeedisey in magaalada Sirte oo uu ka bilowdo xad dhaqameedka dalka u kala qaybiya Bari iyo Galbeed, taanna ay weerar ku yihiin GNA, dagaal la’aan looga boxo, balse ay iyaguna halkaa ku hakiyaan weerarkooda ka dhanka ah Xaftar.

Yeelkeede, qorshahan oo uu keenay Abdel-Fattah el-Sisi oo doonayey inuu iska dhigo nin dhexdhexaadinaya dhinacyada is haya oo uu mid la safan yahay, ayaa waxaa ganafka ku dhuftay Washington iyo awoodaha kale ee reer Galbeedka, marka Faransiiska laga reebo.

Xaftar iyo Ciidamadiisa Libyan National Army (LNA) ayaa taageero ka hela dalalka Russia, Imaaraadka, Sucuudiga, Urdun, Faransiiska iyo Masar, balse waxaas oo dhan waxaa ka culays badiyey Turkiga oo la safan Ciidamada Government of National Accord (GNA).

Masar ayaa ah dalka ugu daran ee uu weji gabax ka raacayo khabarkan, waayo dalka ay la xafiiltamaysey ee Turkiga ayaa haatan usii dhow xadkeeda galbeed, isaga oo horayna heshiis ku saabsan gaaska bariga Badda Dhexe la galay dowladda GNA.

Erdogan oo sheegay inuu arrintan kala hadlay MW Maraykanka ayaa sheegay in “Xaftar gebi ahaanba laga saari karo geeddi socodka nabadeed ee Libya,” sida ay kasoo xigatey AFP, taasoo ka hor imanaysa rabitaanka dalalka aannu soo sheegnay.

Hadalsame Media