Maxaa dayuuradaha ka badbaadiya inay hawada iskula DHACAAN sida gawaarida? (Warbixin cilmi ah)

0

(Hadalsame) 09 Juun 2020 – Waxaynu ognahay in socdaalka diyaaraduhu uu aad u badan yahay oo diyaaradaha hawada adduunka ku jiraa hal mar. Haddii aynu tusaale u soo qaadano markii ay ugu badnaayeen ee ay hawada hal mar ku wada kulmaan 12,856 diyaaradood oo siday 1,590,929 qof waxay ahayd 5 August 2016 kii.

Runtii gaadiidka cirku ama diyaaraduhu aad bay uga duwan yihiin gaadiidka dhulka, xagga marka la eego safety-ga, sababta oo ah ma laha break ay hawada sare isku taagaan haddii ay timaado khatar ku timaadda.

Sidaa awgeed waxa ugu badan ee diyaaraha kharash la geliyaa waxay u badan yihiin xagga badbaadada iyo tiknolojiyadda casriga ah, waana sababta ay qiimaha diyaaraduhu u sarreeyaan, midda kale waxaa loo dejiyey procedures iyo sharciyo adag oo aan la jebin karin..

Hadaba, waxaan jeclahay in maqaalkaygan kaga hadlo sida iyadoo ay hawada sare ku kulmaan diyaarado tiro badan oo jiho kasta u kala socda, hadana aanay u dhicin isku dhac diyaaradeed.

Marka ay diyaarad socdaalkeeda ka bilaabayso garoonka, waxa uu marka ugu horreysa duuliyuhu ama Flight Dispatcher-ku u gudbiyaa qaybta duulista rayidka ama Civil Aviation Athority (CAA) waxa loo yaqaan flight plan oo uu ku dhan yahay information-ka safarka diyaaradda, taas oo ah in ay ku gudbiyaan 24 saacadood ka kicitaanka diyaaradda ama ugu yaraan 3 saacadood ka hor intaanay duulin.

Marka diyaaraddu ay dhabbaha taagan tahay oo lambarka ku qorani tilmaamayo inta degree ee dhinaca lambarku kaga qoran yahay tusaale ahaan dhabbaha Hargeisa Airport wuxuu leeyahay lambarrada kala ah 06/24 oo ku kala qoran labada daraf ee Runway-ga (Runway Threshold) una dhiganta 60° inta uu dhinaca 06 ee runwaygu Magnetic North ka xigo, dhicana kale ee 24-kuna uu 240° tilmaamayo (Inkastoo true magnetic bearing-ku yahay 055° iyo 235°, laakiin lagu round grayeey numberka ugu dhow 10).

Haddaba marka diyaaradda la siiyo ogolaanshaha kicitaanka (Take-off clearance) waxay ay raacdaa dariiq loo yaqaan SID (Standard Instrumental Departures) oo lagu saleeyay kolba cabbirka ama runway-gu uu magnetic North kaga began yahay, taasoo u gaar ah garoonka ay ka duulayso diyaaraddu.

Waa dariiq ka duwaya wixii khatar ku keeni kara diyaaradda sida buuraha, dhismayaasha dhaadheer IWM, waxa kale oo uu ku ridayaa dariiqa wayn ee loo yaqaan Airway ee ay safarkeeda ku marayso.

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyey: Axmed Foowsi

Hadalsame Media