Puntland oo is hor-taag ku samaysay dibedbax lagu taageerayey MW Farmaajo (Halkee lagu qaban rabey?)

0

(Boosaaso) 08 Juun 2020 – Dibedbax lagu wadey inuu maanta ku qabsoomo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo la doonayay in lagu taageero Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa lagu soo warramayaa in is hor-istaag ayaa lagu sameeyay.

Maamulka Puntland ayaa halkaa u diray ciidamo is hor-istaaga ku sameeyay dad isku soo baxay oo doonayay inay taageero u muujiyaan MW Somalia.

Dadkii dibedbaxa dhigi rabey oo u badnaa Haween iyo dhallinyaro ayuu warku intaa raacinayaa inay dib ugu noqdeen guryahooda iyo goobohooda ganacsiga, kaddib markii ay ciidamadu si cad ugu sheegeen in aan Boosaaso aan lagu qaban kari banaanbax lagu taageerayo MW Farmaajo.

Waloow aanu wanaagsanayn xiriirka Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka, misna waa sharci darro kasoo horjeedda xorriyadda fikirka iyo is muujinta in qofka Soomaaliga loo diido inuu muujiyo rabitaankiisa siyaasadeed, taasoo aan ka mid ahayn howlaha ay xaqa u leeyihiin Maamul-goboleedyadu.

Si kastaba, waxaa shalay Muqdisho ka dhacay dibedbax la sheegay in lagu taageerayay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Muqdisho ay matalaad ku yeelato Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, waloow uu ahaa mid uu agaasimey Maamulka Gobolka Banaadir oo aanu iskii u dhicin.

Hadalsame Media

Facebook Comments