Xaftar oo dorraad Tripoli qaybo ka haystey ayaa haatan lagu haystaa magaalo 450km caasimadda u jirta (Xabbad joojin uu soo jeediyey oo laga diidey)

0

(Sirte) 07 Juun 2020 – Ciidamo daacad u ah Dowladda Libya ee GNA ayaa Sabtigii u jihaystey dhanka magaalada istaraatijiga ah ee Sirte, jeer uu Hoggaamiye-kooxeedka Khalifa Haftar oo dalka Masar ee isaga ologga la ah tegey uu soo jeediyey hindise xabad joojineed iyo wada hadal uu horay uga dhaartay kaddib guuldarrooyin xiriir ah.

“Ciidamada Cirku waxay duqaymo ka sameeyeen 5 bartilmaameed oo ku yaalla afaafka magaalada Sirte,” ayuu yiri afhayeenka GNA Mohamad Gnounou oo sheegay in ay Ciidamada GNA qabaan amar ah inay ku socdaan magaalada iyo meel kasta oo ”fallaago joogto”, sida uu yiri.

GNA ayaa beryahan dhanka kale u rogtey weerarro ku socdey muddo 14-bilood ah oo uu Xaftar u xusul duubayey inuu la wareego guud ahaan xukunka Libya oo ay ka xigtey isaga oo qabsada qaybo yar oo galbeedka ah oo ay ku jirto caasimadda Tripoli oo ay fadhido Dowladda GNA, kaddib markii ay taageero millateri iyo mid siyaasadeed ka heshay Turkiga.

Sirte waa halkii uu ku dhashay MW Muammar Gaddafi waana meesha ugu dambeeysa ee ka tirsan galbeedka Libya, inta aan la gaarin xad dhaqameedka dalkaa u kala qaybiya bari iyo galbeed.

Ciidamada LNA ee Xaftar ayaa magaalo xeebeedkan Badda Dhexe ee Sirte gacanta ku dhigay bishii Jannaayo, iyaga oo aan xabbad ridinna kala wareegey malliishiyaad halkaa ku sugnaa oo ku ballan furay Dowladda GNA.

Waxaa kale oo xaaladda sii qurxinaysa in haddii la dhaafo Sirte, ay ku yaallaan dekedaha ugu waawayn ee saliidda Libya laga dhoofiyo, waana hantida istaraatijiga ah ee ugu muhiimsan Jeneraalka macangagga ah ee Xaftar.

Sirte waxay 450km (280 mayl) bari kaga beegan tahay caasimadda Tripoli, waana magaaladii uu Mucamar Al Qadaafi ka wadey iska caabintii ugu dambeeysey, kahor intii aan la qaban oo aan misna si bahdil ah loo dilin 20-kii Oktoobar 2011-kii.

Hadalsame Media