IMAARAADKA CARABTA: Sharwadayaal dunida Muslimka dab ku shidaya! (Arag inta eel ee ay dhigeen)

0

(Hadalsame) 07 Juun 2020 – Shalay dekkedaha Cadan, Cosob, Jabbuuti, Suudaan, Bebera, iyo Boosaaso ayaa la ogaa midday ka dhigeen ama ku dhigeen, maantayna waa Raas Casayr iyo Caluula oo bajaqin iyo gumayn lala maaggan yahay, iyadoo loo soo marayo odayaal dhuuni-raac ah, oo iskaba daa in ay meel fog wax ka eegaan e, iyagu gummaynta u horseedaya dadkooda.

Imaaraatkan ay caruurtii Sheekh Zaayid ku falaadayso, wax ay hardan-loo-wakiishay goor walba kula jiraan ummadaha gobta ah ee dunidan ku nool gaar ahaan kuwa muslimka. Waa kuwa afgembigii Turkiga ee 2016 fashilmay maalgelintiisii lahaa.

Waa kuwa beri dhaxdaas dalka Tuniisiya afgembi ku dayay hase ahaate la fashiliyay. Waa kuwa dalka Malaysiya iyo Ra’iisal wasaare Mahathir Maxamed Alle ku samata bixiyay iyagoo curyaamin lahaa kaddib markii ay gateen Najib Abdirazak (Raysal Wasaarihii hore).

Waa kuwa reer Liibiya doonaya in ay gacanta u geliyaan General khaliif Xaftar oo Imaaraatkana daba-dhilif u ah umaddiisana inuu gumeeyo libaaxa ku ah.

Waa kuwa afgembigii Masar ee Maxamed Mursi Alle ha u naxariistee xilka lagaga tuuray maalgelinayay. Waa kuwa hormuudka ka ah gummaynta reer Falastiin iyo duudsiinta dhulkooda barakaysan, iyagoo damiir xumadooda si bareer ah u maalgelinaya heshiiska loogu magac daray “Heshiiska qarniga” ee lagu damacsanyahay in umadda reer Falastiin lagu duudsiiyo xaqqooda iyo dhulkooda loona sii gumeeyo cadowgooda gumaysanaya ee Israa’iil.

Waa kuwa sida bareerka ah TV-yadooda uga ololaynaya in gumaystaha Israa’iil har-cad la la saaxiibo. Waa kuwa sida arxan-darrada ah u burburinaya, una laynaya shicibka Yemen.

Waa kuwa xabsiyada qarsoodiga ah ee sharci darrada ah ka dhistay Yemen & Imaaraat si loogu caddibo qofkii danahooda gurracan diida. Waa kuwa.. waa kuwa.. waa kuwa.

Kuwa noocaas ahi in laga fishaa inay maalgashi hufan iyo horumar noo horseedayaan Soomaaliyana la jecel yahiin wanaag, waxa ay la mid tahay shaydaan oo laga fishay khayr iyo janno in uu na la doonayo.

Diyaarintii: Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed Saalax.

Hadalsame Media