RW Abiy Ahmed oo ku dhaqaaqay fal uu ku ceeboobey & laba-wejiilayn muujinaya (Maxaa dhacay?)

0

(Addis Ababa) 06 Juun 2020 – Wadaadka gayfanaha bulsho ah ee Sheekh Cabduraxman Bashiir ayaa RW Itoobiya ee Abiy Ahmed ku dhaliilay doorka uu ka qaatay dib u celinta duuliye reer Jabuuti ah oo lagu xabbisay musqul kulul oo uskag ah.

Sh. Bashiir ayaa tixraacaya Duuliye ka tirsan Ciidanka Cirka dalkaasi, Fuaad Yuusuf oo lagu hayo xabsiga Gabode ee magaalada Jabuuti, kaasoo u baxsaday dalka Itoobiya 27-kii Maarso kaddib markii uu si cad u cambaareeyey ciidamada oo uu sheegay inuu ka dhex jiro musuq iyo nidaam aan cadaali ahayn.

Sida ay saxaafaddu ogaatey, Jabuuti ayaa waxay duuliyaha ka daba dirtay barwo soo qabasho ah oo ay u gudbisey Itoobiya oo ay ka codsatay inay soo gacan geliso.

Deeto xilli uu diyaarinayo galkii magangelyo doonka ayaa waxaa qabtay Ciidanka Amaanka Itoobiya oo Addis Ababa ka qabtay 8-dii Abriil, waxaana la dhigay xarun karaantiil, iyada oo la iska indha tiray codsi ku aaddan in la sii daayo, waxayna Itoobiya dib ugu celisey taliska Jabuuti.

Waxaana xigtey isaga oo ku dacdarraysan musqul dhexdeeda, iyada oo xaaladdiisa caafimaad, niyadeed iyo tan jireed laga dayriyey, sida uu sheegayo qarreenkiisa Zakaria Abdellahi, oo sheegay inay berri sugayaan warbixintiisa caafimaad.

Sheekha oo dibedbax ka qaban qaabinaya baraha bulshada, ayaa sheegay in tillaabadan uu qaaday RW Abiy Ahmed ee uu qof magalgelyo doon ah ugu gacan geliyey nidaam kali talis ah ay muujinayso laba wejiilayn, isla markaana ay ka hor imanayso muuqaalkii uu samaystay ee ahaa nabadoon dimoqraadi ah, taasoo gayaysiiyey Billadda Nabadda ee Nobel Prize.

Waxaa iminka oo ay Jabuuti ka dheceen dibedbaxyo rabshado wata lasoo werinayaa in la qabtay, la handaday oo la xirey qoyskiisa oo ay ku jirto hooyadii iyo carruur.

Hadalsame Media