Magaalo shalay laga xoreeyey ciidamada Xaftar oo loogu tegey arrin CABSI leh & meelo hor leh oo laga sii qabsaday

0

(Tarhuna) 06 Juun 2020 – Mayd gaaraya ilaa 106 qof, oo ay ku jiraan carruur iyo haween, ayaa loogu tegey isbitaal ku yaalla magaalada Tarhuna ee shalay laga xoreeyey malliishiyaadka Khalifa Haftar.

War qoraal ah oo kasoo baxay afhayeenka howlgalka Dowladda Libya, ee Burkan al-Ghadab (Foolkaanaha carada), ayaa sheegay inay arrintan baarayaan, isagoo sheegay in dadkan la laayey.

Dadkan oo bacaha maydka ay qaarkood ku jireen ayaa waxaa jirkooda ka muuqda jirdil iyoo dhaawacyo sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka, Amin al-Hashemi.

Tarhuna ayaa asaasi u ahayd ciidamada Xaftar oo halkaa ku lahaa saldhig cireedka istaraatijiga ah ee al-Jufra Airbase.

Ciidamada GNA oo isla shalay qabsaday al-Urban oo ah degmo koonfur ka xigta Gharyan qabsaday Buerat, el Hussoun, iyo Wishka oo galbeed kaga beegan magaalada Sirte oo ay ku wajahan yihiin, sida ay qoray Anadolu Agency (AA).

Weli lama faahfaahin nooca ay yihiin dadka maydadkooda laga helay isbitaalka, iyadoo ay xitaa dhici karto inay yihiin dadka tahriibka ah ee ay Soomaalidu ku jirto oo xubnihii lagala baxay.

Hadalsame Media