Hindise sharciyeedyada lagu eegi doono kalfadhiga Baarlamanka oo ay ku jiraan kuwo xasaasi ah (Muqdisho & Somaliland oo ka mid ah)

0

(Muqdisho) 06 Juun 2020 – Waxaa goor dhow lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka furmayo kulanka Baarlamanka oo ay u wada jiraan labada aqal ee kan hoose iyo midka sare.

Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamanka 10-aad ayaa daqiiqaddii ugu dambeeysey laga bedeley bugcaddii markii hore lagu ballamay, taasoo ahayd Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye, lamana carrabaabin sababta sidaa loo yeelay.

Marka uu Madaxwaynuhu kalfadhiga furo waxaa kaddib hor yaalla hindise sharciyeedyo xasaasi ah kuwaasoo ay ka mid yihiin; sharciga xisbiyada siyaasadda iyo hab-raaca doorashada xubnaha metelaya Somaliland.

Waxaa kale oo kale oo ka mid ah arrinta metelaadda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, qoondada haweenka ee Baarlamanka iyo saarista doorasho degaannada laga codayn doono.

Waxaa jira hindise sharciyeed ku saabsan meel ka dhacyada jinsiga, kaasoo aan la hubin inuu geli doono qodobbada la qaadi doono iyo in kale, sidoo horayba loosii ballan qaaday.

Hadasame Media