Handaraabkii saarnaa xaafadda Islii ee Nairobi oo wax laga bedeley (Arag waqtiga cusub)

0

(Nairobi) 06 Juun 2020 – Dowladda Kenya ayaa 6-dii bishii Maajo waxay soo rogtey handaraab gaar ah oo lagu joojinayo gebi ahaanba dhaqdhaqaaqa xaafadda Eastleigh iyo qaybaha qadiimiga ah ee Mombasa, kaddib markii ay halkaa ku kordheen kiisaska COVID-19.

“Ma jiri doono wax dhaqdhaqaaa ah oo gelaya ama kasoo bixi kara Eastleigh iyo Old Town oo Mombasa ah wixii ka bilowda 7-da fiidnimo ee caawa muddo 15 maalmood ah,” ayuu yiri Xogahayaha Caafimaadka, Mutahi Kagwe.

Iminka ayaa bandowgaa saarnaa xaafada Eastleigh (Islii) ee ahaa in aan laga bixi karin lana soo gali karin qayb ahaan laga qaaday, waloow aan weli la wada qaadin.

Waxaa iminka laga dhigay inuu bandowgu bilaabmayo habeenkii saacadda maxalliga ihi marka ay gaarto 9:00 ilaa 4:00 subaxnimo, halkii uu awal ka ahaa mid bilaabma 7:00 ilaa 5:00 subaxnimo.

Isbeddelkan ayaa imanaya markii bil gow ah ay kasoo wareegtey markii Eastleigh lagu soo rogey bandowga gaarka ah, xilli ay dalal badan oo dunida ihi ay debcinayaan handaraabka uu sababay karoonuhu.

Hadalsame Media